Maansada ‘’DALANBAABI’’ Hal-abuur Xamse Maxamed Nuur
Ummadyahay dikhaysani
Waxad tihiin dad meelkale
Durmaan looga tumayoo
Hadalkaba duxdiisiyo
Dufankiis ma dhugataan
Ummadyahay dullaysani
Dabarkiyo mareegtaaad
Isku soo dabaysaan
Weligiin ma daysaan
Did u dhaca na haystiyo
Guul darrada ma eegtaan
Daranyada na haysiyo
Dalanbaabi socoshada
Daymo kuma astaysaan
Doqoniimo awgeed
Weydinkaa is dooxee
Is dalooshay beerkee
Sambabkuna dillaacii
Dibaddiina wadhaneen
Wax daryeela loo helin
Daadadka haybsoociyo
Is dirsooca baasee
Dooxyada qulqulayaa
Nagu daray xabaalaha
Dabka huray bal eegaay
Halasaha bal daawada
Jiilkani dugsanayaa
Lafta duudka dheerbay
Ka jabeen ducaalow
Ma se dareemayaane
Dubka wuu ka leefoo
Lafuhuu dalooshaday
Dabadeedna dhiigiyo
Dhuuxaabu degayoo
Alle daa’im mooyee
Dhakhtarkii dawaynlaa
Iyo dawadiiba moogow
Dunidani ma joogaan
Kala dabacsanaantiyo
Kala daadsanaantiyo
kala durugsanaantaad
Darafayada qabsateen
Dibindaabyo mooyee
Darajo laguma gaadhee
Dadweynoow ogsoonow
Nin ad diin wadaagtaan
Misna diir wadaagtaan
Dubka aad ka simantiin
Dhaqankiyo duxdiisiyo
Afka dadab galkiisana
Dedaal aad u galasaan
Dacallada adduunyada
Dalshisheeye kaa jirin
Dadshisheeye kaa xiga
Miyaa la isku kiin diray
Oo waa la idin kala diray
Mise waad is diiddeen
Oo waabad is dayseen
Mise waad ku digatoo
Wuu kaa dudaayaa
Mise waad dirsoocdoo
waabu kaa niyad dumay
Haku dagin walaalkaa
Gar darriyo is yeelyeel
Haku dabin walaalkaa
Wax dabroo ragaadiya
Dib u socod hadhaa iyo
Meel daran la beegsada
Dul ahaan adduunkani
Docyarbaad wadaagtaan
Dugsi aad ku leediin
Isla door ahaateen
Misna aad ku deristaan
Ood wada daryeeshaan
Daa’imken raxmaankiyo
Ducaqabe rasuulkuba
Daliillo qur’aaniyo
Axaadiis dareenlay
Kuu daah fureenoy
Dadab kaaga qaadeen
Daloollada dhagihiyo
Usii daa dubaaqoo
Damiirkaaga noolee
Dabadeed ku dhaqanoo
Ha durrayn walaalkaa
Hana dilin walaalkaa
Hana daadin dhiiggiis
Daallinkiyo shisheeyuhu
Cudur nagu dillaaciyo
Daacuun na soo gala
Iyagaa ka sii daran
shalay iyo dorraatana
Dabkii ay shideenbaan
Illaa haatan naga damin
Hoy dadkeer sidoodii
Inad doorisaanbaan
Kollay doorbidayaaye
Isku duubni gaariyo
Daacadnimo asteeya
Da’yartiyo cuqaashaay
Is dugsada dhammaantiin
Daalinkiyo shisheeyaha
Isku diida idilkiin
Deyr intood ka xidhataan
Dibaddaa ka joog dhaha
Dabadeed su’aalaha
Ku dirira ha yaabee
Maxaad doonasaa dhaha?
Amankaagiyo daalka
Goortuu daamankiyo
Dabnihiis qaniinana
Ku dirsooca hadalkoo
Dalkan waa islaamoo
Dadku waa islaamoo
Daa’imkay irkanayaan
Waxna kaama doonaan
Waxna kuuma dirsnayaan
Adna kumaba doonaane
Naga duul yarooboow
Amma gees nooga durug
Ku dedaala ummadeey
“Hal-abuur Xamse Maxamed Nuur”