Maamulka & Waxgaradka Degmada Ceel Afweyn oo Shaaciyay inay Dhisayaan 20 Km oo ka Mid ah Jidka Ceerigaabo iyo Burco
Ceel Afweyn 18.October 2013 (SDN)- Dadweynaha Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka sanaag ayaa maanta ballanqaaday inay degmo ahaan dhisayaan labaatan KM oo ka mid ah wadada dheer ee laamida ah ee isku xidhi doonta Gobolada Togdheer iyo Sanaag.
Kulan maanta ay dadweynaha deegaankaasi ku yeesheen Magaalada Ceel Afweyn oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta degmada iyo xubnaha kale ee Golaha deegaanka oo ay wehelinayeen madax dhaqameedka deegaankaasi qaarkood sida suldaan Siciid yuusuf, Cheif caaqil Cabdilaahi Aw-aadan jaamac, Cheif caaqil Cabdi Jaamac Ducaale, Caaqil Aadan jaamac Faarax, culima’udiin, ganacsato iyo waxgarad kale ayaa la iskula qaatay in si weyn oo muuqata looga qayb qaato dhismaha wadada Ceerigaabo isla markaana degmo ahaan ay dhisaan labaatan KM oo ka mid ah wadadaasi.
Mayorka degmada Ceel afweyn Md Baashe Xandulle Warsame ayaa kulankaa ka bacdi isagoo u warramay Shabakada Qurbejoog.com waxa uu sheegay in ka dib markii la isku tashaday lagama maarmaan loo arkay in aan waxba lagala hadhin hirgelinta wadada isku xidhi doonta Gobolada togdheer iyo sanaag, dadweynaha Degmaduna ay go’aansadeen inay bixiyaan kharashka ku bixi doona labaatan Km oo ka mid ah wadadaasi.
Ceel Afweyn .
Qurbejoog.com