|

Maamulka Puntland oo yeeshay Radio iyo Television u gaar ah

Garoowe April 21,2013(SDN)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta xarig ka jaray Iddaacad iyo Telivision uu maamulkaasi yeelanayo.

Warbaahintan oo ay ku deeqday dawlada Talyaaniga sanadii 2011kii ayaa haatan Radiogu uu hawada soo galay halka TVguna uu xigi doono.

Furitaanka warbaahintan Puntland ayaa waxa ka soo qeybgalay madaxda Puntland kuwa hey’adaha maamul goboleedka ka hawl gala iyo gabar ka socotay safaarada Talyaaniga ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayaa isku cadilaa mudo dheer.

Waa markii u horeysay ee maamulka Puntland uu yeesho iddaacad u gaar ah,waxaana laga dhegeysan karaa meelo ka baxsan degaanada Puntland.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed