Maamulka Puntland Oo Wada Qorshe Ay Ku Khal-Khalinayaan Wada Hadalada U Furmay Dawlada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Iyo Rag Xilal Ka Haya Maamulka Puntland Oo Ku Sugan Magaalada Buuhoodle
Garowe 12.October 2016 (SDN/QJ):- Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay bilaabeen qorshe ay damacsan yihiin inay ku khalkhaliyaan wada hadalada u furmay maamulka Puntland iyo dawlada Somaliland.
Waxaana maamulkani si ay u khalkhaliyaan wada hadaladan ay usoo direen rag xilal ka haya maamulka oo ay ku jiraan ninka wasiir amniga ugu magacaaban Maamulka Puntland iyo taliyaha ciidamada booliska maamulkaasi,sidoo kalena waxa iyaguna Buuhoodle naloo sheegay inay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maamulkaasi.
Masuuliyiinta ay maamulkani usoo direen khalkhal galinta wada hadalka kooxda Khaatumo iyo Somaliland ayaa la sheegay inay kulan la qaaten cuqaasha iyo waxgaradka degmada Buuhoodle iyaga oona halkaasi ugu soo bandhigay qorshe ah inay diidaan ayna kasoo horjeestaan wada hadalkaasi iyo waliba gogosha madaxwaynaha Somaliland fidiyay ee ka dhacaysa magaalada burco.
Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya in odayaasha iyo waxgaradka degmadaasi ee ay ragani xalay kulanka la qaateen inay aqblaleen qorshahan ay ula yimaadeen iyo inay diideen toona balse waxa xusid mudan in cuqaal iyo waxgaradka degmada Buuhoodle hore ay u hadleeen ayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan wada hadalkaasi iyo waliba shirkaasi ka dhacay burco.
Ugu danbayntii xukuumadda somaliland ayan iyadu ilaa hadda talaabo cad ka qaadin faragalinta ay somaliland ku hayaan maamulka Puntland iyo waliba ragan ku dhex sugan gudaha somaliland ee wada qorshaha ay ku khalkhalinayaan wada hadaladaasi u furmay kooxda khaatumo iyo dawlada somaliland,waxaana la sugayaa talaabada ay qaadaan.
mudooyinkii u danbeeyay waxaa wada hadalo ay u socdeen dawladda Somaliland iyo maamulka khaatumo iyaga oo ka arinsanayay mustaqbalkooda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo dhaqan maadaama ay yihiin shacab walaalo ah oo aan meelnaba ku kala tagayn.