Maamulka Puntland Oo Sheegay Inuu Burburay Wada-hadalladii ka Dhexeeyey Maamulka Galmudug
Garoowe:5-Nov-2013(SDN)-Ninka Guddoomiye-ku-xigeenka uga ah Maamulka Puntland Gobolka Mudug ayaa sheegay inay istaageen oo aanay sii socon karin Wada-hadalladii Nabadeed ee ay la lahaayeen Maamulka kale ee Gal-mudug ee Fadhigiisu yahay Koonfurta Gaalkacyo.
Masuulkan ayaa waxa uu sabab uga dhigay joogsiga wada hadaladaasi dagaalada soo laalaabtay ee dhiiga badan ku daadanayo oo uu ugu danbeeyay kii shalay dhex maray maleeshiyaadka labada dhinac kasoo kala jeeda ee fooda isku daray deegaanka Godob ee bariga Gaal-kacyo.
Waxa uu sheegay in u jeedka wada hadalada nabadeed ay ahaayen in la hakiyo dagaalada oo labada maamul ay ku noolaadaan deris wanaag iyo xasarad la’aan hasa yeeshee hadafkaasi lagu guul dareystay.
Maalintii shalay waxaa ka dhacay Bariga Gaal-kacyo dagaal dhex maray maleeshiyaas qaab qabiil u abaabulan oo kasoo kala jeeda deegaanada ay ka arimiyaan Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Raxmaan Faroole, iyada oo 10 ruux oo labada dhinac ah la xaqiijiyay in ay ku naf waayeen.
Dagaaladaasi oo daba socday weerarro gaadma ah oo maleeshiyaadka kasoo kala jeeda waqooyiga iyo koofurta Gaal-kacyo ay dad badan ku dileen ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli maalmihii tegay ay odayaasha labada dhinac ay wadeen wada hadalla aan loo kala kicin oo ay ugu gogol xaadhayeen nabad loo aayo oo deegaanka ka taaba gasha.
Labadan maamul ee Deriska ah ayaa in muddo ahba waxa dhex marayey Dagaallo Hoose oo dhimasho badan keenay, waxana loo Caalwaayey joojinta Dagaaladaas oo inta Badan u abaabulan hannaan qabiil.
S.D.N