|

Maamulka Puntland oo ka Hadlay Khasaarihii ka dhashay Dabeylo ku dhuftay

Garowe,3Nov,2015(QJ/SDN)-Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah maanta uga hadashay manta khasaarihii ka dhashay duufaan ku dhufatay deegaano Puntland ka tirsan, taasoo sababtay burburka waddooyin, beero iyo guriyo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, C/llaahi Xaashi Qoob-deero oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay in roobab ka da’ay deegaannada ku yaalla dhulka ku dhow badda cas iyo tan Hindiya ee Puntland ay burburiyeen waddooyinkii isku xirayay Baar-gaal, Bareedo iyo Caluula.

“Sidaad la socotaan habeen hore, shalay illaa xalay waxaa socday dhibaatooyin ka dhacay dhulka ay iska galaan badda Cas iyo tan Hindiya, dhibaatadaasna waxay saameysay dadka, xoolaha, tuulooyin iyo degmooyinka,” ayuu wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirka intaas ku daray in shalay ay dhacday badda oo kacday iyo dabeylo, marka baddu kacdo xeerka lagu yaqaanno wax ka duwan bay la timid, waxayna socotay boqolaal mitir, waxayna dhibaatooyin u geysateen agabkii badda looga adeegan jiray iyo beeraha.

“Roobab xalay da’ay waxay jareen waddooyinka isku xiri jiray, Baar-gaal, Caluula iyo Caluula,” ayuu yidhi C.llaahi Qoob-deero, isagoo intaas raaciyay in waddooyin ku dhow bad-weynta Hindiya ay burbur xooggan soo gaareen.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in hadda Puntland ay diyaareen garoonka Caluula oo si nabad-galyo ah lagu tegi karo, maadaama gaadiidku aanu gaari karin deegaannadaas; waxaana sidoo kale laga tegi karaan dhanka badda.

“Waxaan Beesha Caalamka, dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland ee dal iyo dibad ku nool ugu baaqaynaa in ay shacabkaas la gaaraan kaalmo deg-deg ah, sida caafimaadka, hoyga iyo cunnada,” ayuu hadalkiisa ku daray Qoob-deero.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay inay shacabka Puntland horay u haysay dhibaato, haddana ay ugu darmeen kuwo kale oo dabiici ah, ayna u baahan yihiin dadka deegaannadaas ku nool kaalmo deg-deg ah.

Si kasta ha ahaatee, C/llaahi Qoob-deero ayaan shirkiisa jaraa’id kusoo hadal-qaadin wax dhibaato nafeed ah oo ay badda kacday, dabeylaha iyo roobabka kku dhuftay Puntland ay geysteen.

 

 

 

DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland; – See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Nov/wararka_maanta3-93657.htm#sthash.KGAzNg6a.dpuf

Comments are closed