|

Maamulka Puntland Oo Albaabada iskugu Dhuftay Idaacadda DALJIR Oo Deegaanadooda Ka Hawl-gasha

DALJIR

Boosaaso,24,6,2016 (QJ/SDN) – Maamulka Puntland ayaa caawa Albaabada u laabay Xarumihii uu Radio Daljir ku lahaa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in xariggooda loo cuskaday amar kasoo baxay Taliyiaha Booliiska Puntland, Jen. C/qaadir Shire Faarax [Ereg].

Xarigga Xarumaha Radio Daljir, ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo Shalay ay Xukuumadda Puntland soo saartay qoraal ay uga digayso Wariyeyaasha ka Hawl-gala Deegaannadeeda in ay wareystaan xubnaha xiriirka la leh Ururka Daacish iyo Burcadbadeedda ee Puntland ku sugan.Illaa hadda lama oga Sababta dhabta ah ee loo xiray xarumaha Radio Daljir ee Boosaaso iyo Garoowe, Laakiinse Warar hoose ayaa sheegaya inay Wareysi la yeesheen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari, C/samad Maxamed Galan oo dagaal kula jira Xukuumadda Puntland.

Dhanka kale, Wasiirka Warfafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-cadde oo isagana maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ku Hanjabay in Wariyihii aan u hoggaansamin Amarkooda ay dili doonaan, Taasoo noqonaysa Hanjabaaddii ugu Adkeyd ee Xukuumadda Puntland ay u jeediso Suxufiyiinta.

“Wariyihii aan u Hogaansamin Amarkii Xukuumada Puntland kasoo baxay ee ahaa, inaan la wareysan karin xubnaha xiriirka la leh kooxaha Burcadbadeedda iyo Argagaxisada ah; Sida Daacish, waanu Dili doonnaa,” ayuu Wasiir Soo-cadde ku yiri hadalkiisa.

Xiritaanka Xarumihii Radio Daljir ee Boosaaso iyo Garoowe, ayaa waxaa warbaahinta  u xaqiijiyay Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Radio Daljir. Waxaana xarigga Xarumaha Daljir iyo Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland, si adag u cambaareeyeen Ururrada Saxaafadda ee NUSOJ iyo MAP.

Haddaba, Akhriso Wareegtadii lagu xiray Labada Xarumood ee Radio DALJIR;

Comments are closed