“Maamulka lagu dhisaayo Cadaado wuxuu khuseeyaa cidii saxiixdey in la dhiso maamulkaas” Raysal Wasaare Sharmaarke
Muqisho 14.June 2015 (SDN/QJ)- Golaha gorfaynta siyaasadda iyo falanqaynta arrimaha Soomaaliya ee ayaa waraysi gaara la yeeshay ra’isal wasaaraha Somaliya Omar Abdirashid Ali Sharmaarke, waraysigaas oo uu qaaday weriye Abdirashid Ghelle Omar “Sooyaal”.
Waxaana wax laga weydiiyey raysalwasaaraha maamul u samaynta gobollada Dhexe, muranka jubbaland Iyo baarlamaanka, hiiigsiga 2016, guddiyadda qaran ee baarlamaanka horyaal iyo arrimo badan oo Ammaanku kamid yahay.
Weriyaha ayaa ugu horeyntii weydiiyey safarka shaqo ee ku joogo Sharmaarke dalka Maraykanka, waxaana Raysalwasaaruhu sheegey in uu u yimid safar shaqo oo ay ugu horeysey in uu warbixin siiyo Golaha Amaanka, sidoo kale Xukuumadda Maraykanka ayuu sheegay in uu kala hadley xaaladda dalka, arrimaha amniga, isku dhafka ciidamada, siyaasadda iyo federaaleynta dalka, arrimahaasna guul ugu dhamaadeen.
Dagaalka al-Shabaab
Mar la weydiiyey raysalwasaaraha hadal uu dhawaan sheegey ee ahaa in dagaalka al-Shabaab ay tahay in la soo afjaro oo laga adkaado qorshahaasna ay wadaan, ayuu sheegey in taasi ay tahay hawlaha u weyn ee Xukuumadda, haddii aadan adigu duulin adiga ayaa lagugu soo maqan yahay ayuu yiri. Waxaad ogtihiin deegaanka Torotoro oo Muqdisho u jirta 150km waxay ahayd meesha u weyn ee laga soo abaabuli jirey weearada Muqdisho laga fuliyo, waxaana lagu heshiiyey in laga saaro al-Shabaab taasina wey dhacdey, meel kasta oo ay u sii guuraana waan uga dabategeynaa ayuu yiri Sharmarke.
Hiigsiga 2016
Raysalwasaaraha ayaa la weydiiyey barnaamijka Hiigsiga 2015 waxa uga qabsoomey iyo sida lagu gaari karo, Taysalwasaaraha ayaa sheegey in barnaamijkaasi u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah:
Dhamaystirka dhimaha dowlad goboleedyada
Dib u eegista Dastuurka
Doorashooyin dalka ka dhaca
Sharmarke ayaa sheegey in ay hadda ku jiraan kan kowaad ee dhismaha maamul goboleedyada, waxaana dhawaan la geli doonaa dhisamaha Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, qodobka labaad ee Dastuurka guddiga madaxa banaan si wanaagsan ayuu shaqadiisa u gudagalayaa, waxaaana qorshhu yahay in saddex bilood kadib la soo gebagebeeyo.
Shirka Cadaado
Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid aya la weydiiyey, Axdiga la doonaayo in loo sameeyo maamulka Gobolada Dhexe in uu dhigaayo in xuduudkiisa Waqooyi uu yahay Gobolka Nugaal, taasna ay tahay mid ka hor imaaneysa heshiisyadii Xukuumaddu la gashey Puntland isla markaana meel uga dhacaya dhulka Puntland ka tirsanaa 17 sano.
Cumar ayaa sheegey maamulka Cadaado lagu dhisaayo in u khuseeyo dadkii saxiixey in maamulkaas la dhiso, ee aanu khuseyn dad kale, wuxuu sheegey in ay saxiixeen Galmudug, Ximan iyo xeeb, Ahlu-sunnah iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo u saxiixey beelaha ay ka soo jeedaan, marka ma khuseyn karo cid aan asaaskiisiba wax laga weydiin ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Muqdisho SDN/QJ