Maamulka KMG Kismaayo oo ka hadlay Amaanka Magaaladaasi
Kismaayo April 21 2013 (SDN)— Maamulka KMG ee ka jira Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaaladaasi xilli la isku qaban qaabinayo inay halkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Afhayeenka maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo iminka aysan ka jirin dhibaato la tilmaami karo.
Seeraar ayaa sheegay in xilliyada qaar ay iska dhacaan falal yar yar oo aan sidaasi uweynayn ciidanka ammaanka ee Magaaladana ay ku dadaalaan xilli waliba sugidda dhanka ammaanka ee Magaaladaasi.
Ciidamada ammaanka ee Magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay dad kusoo qab qabteen howlgalo dhanka ammaanka ah oo ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo.
Kismaayo oo ka tirsan Jubadda hoose ayaa waxaa kuwada sugan ciidamo kamid ah kuwa qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa Raaskaambooni,iyadoo ay usii dheertahay kuwa AMISOM oo ka howlgala Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo Jubbooyinka ka tirsan.
SDN-Kismaayo