|

Maamulka Kismaayo Oo Rajo ka Muujiyay Wada hadalada ay la leeyihiin dowladd Soomaaliya

Kismaayo March 28 2013 (SDN)— Maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa faah-faahin ka bixiyay kulamada ay la qaateen masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Afhayeenka maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in hada uu socdo wadahadalo udhaxeeya maamulka KMG ee Kismaayo iyo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijo kasoo bixida kulamadaasi.

C/naasir Seeraar ayaa meesha ka saaray warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG uu ka dhaxeeyo isfahandaro balse wuxuu sheegay in wax waliba ay wanaag ku socdaan.

Wuxuu sheegay inay jiraan guddiyo ay magacawdeen labada dhinac oo kulan yeelan doono arimaha ugu muhiimsana ka hadli doona.

Ujeedka wadahadalada ayuu sheegay inay tahay in lagu doonayo natiijo wax ku ool ah in laga gaaro waxyaabaha ay kawada hadlayaan labada dhinac.

Kasokoow hadalka kasoo baxay maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ee ku aadan wadahadalada ay leeyihiin masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku sugan waxaa soo baxaya warar sheegaya in labada dhinac ay isku afgaran waayeen wadahadalo dhexmaray shalay.

SDN-Kismaayo

Comments are closed