|

Maamulka Khaatumo oo kala jabay iyo Cali Khaliif Galaydh oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo DAAWO

Balli-cad 21.Sep 2015 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha ama Madaxweynaha Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa loogu baaqay inuu iska casilo Xilka Madaxweynaha Khaatumo, ka dib markii ay Hoggaanka Kooxdu iskaga soo horjeesteen wadahadal uu Cali Khaliif sheegay inay la furayaan Somaliland oo uu Guddi u magaacaabay wadahadalka u metesha Kooxdiisa.

Cabdirisaaq Cawil Bacalluul oo ah Wasiirika Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Maamulka la baxay Khaatumo, ayaa sehegay in Cali Khaliif Galaydh ku fashilmay hoggaaminta Khaatumo, isla markaana mar haddii uu fashilmay ay habboonayd inuu sheego inaanu wadi karin hawshaas xilkiisu ahaa oo uu iska wareejiyo, balse aan looga fadhiyin inuu wadahadal aan xilligiisii la joogin la furo Somaliland, sidaa awgeedna uu u soo jeedinayo inuu xilka iska casilo.

Waxa uu Wasiir Bacalluul sidaas ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Isniintii Maanta ku qabtay deegaanka Balli-cad oo ka tirsan gobolka Cayn (Buuhoodle), iyadoo tan iyo xalay ay deegaankaas ka taagnaayeen kacdoon ka dhan ah wadahadalka Cali Khaliif sheegay in Somaliland Maamulkiisu la bilaabayo oo kala jebiyey ama kala qaybiyey Kooxdaas.

Waxaannu Warbixinta Warkan iyo hadallada uu Shirkiisa Jaraa’id ka jeediyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Kooxda Khaatumo Cabdirisaaq Cawil Bacalluul aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed