Maamulka Khaatumo oo Jawaab ka Bixiyey Hadalo ka soo Yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
Buuhoodle 30. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiir ku xigeenka maamulka Khaatumo Abshir Cabdicasiis Sheekh , ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibada Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Somaliland hal dawlada uunbaa ka jirta, waana hal qaran waxaananu ku wada hadleynayna waa Somalilanders, anaguna ma Ictiraafsanin maamul kale oo Somaliland ka jira, mana,aha markii koobaad ee aanu shir noocan oo kale ah aanu galo, sooyaalkeena iyo geedi socodkeena ayay ka mid aheyd, gooni isu taagu waa dastuuri, arin madaxweynuhuna wax ka badeli karo maaha, gudoomiye xusbina wax ka badeli karo maaha, masuulkalena wax ka badeli karo maaha, wada hadalka ugu danbeeya ee Khaatumo Iyo Somaliland waxaa u noqonayaa gogoshi uu dhigey madaxweynuhu”
Abshir Cabdicasiis Sheekh wasiirku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Khaatumo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Dr. Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibada Somaliland.
Abshir Cabdicasiis Sheekh wasiirku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Khaatumo waxaa uu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaa weeyaan wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland hadii uu yidhi Somalilandbaa halkaas ku wada hadleysay oo uu hadalkiisu sidaas yahay, waxaa uu ka been sheegaya wixii aanu Adis-ababa ku soo kala saxeexanay, hadii aanu nahay Khaatumo iyo Somaliland, ayuu ka been sheegaya, waxaan cadeynaya oo aan sheegaya in11-qodob lagu hishiiyay oo lagu soo kala saxeexday, oo isaga oo dhinacooda gudoomiye u ahaa u koobigiina qaatay, gudidii uu gudoomiyaha u ahaa, anagana uu gudoomiyahayaga baarlamaanku midkaasi la mida uu soo qaaday”