|

Maamulka Juba oo Diiday inay Dawlada Federaalka ku Wareejiyaan Dekeda Kismaayo

Kismaayo 28.Feb 2014 (SDN)- Mamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta sheegay inaysan DFS ku wareejin doonin mamulka dekadda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha ka dib markii waxbadan ka dhaqan gali waayay heshiiskii 13-ka Agoosto ee sanadkii hore lagu gaaray magalada Addis ababa.

Dekadda_KistaMaanta ayay ku ekayd waqtigii lagu heshiiyay ee mamulka Jubba uu wareejin lahaa mamulka labadaasi xarumood balse wasiiru dowlaha madaxtooyadda Jubba Cabdiqani Cabdi Jaamac oo warbaahinta gudaha la halay ayaa sheegay dhanka DFS inaysan wax badan ka fulin hesiiskii horay loo wada gaaray.

Wuxu xusay in laga fuliyay heshiiskaas oo kaliya shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magalada Muqdisho balse aan wax badan oo aad muhiim u ah aan la oofin wuxuna sheegay inaysan munaasib ahay in hada lagu soo deg dego mamulka dekadda iyo Airpoodka Kismayo.

Cabdiqani Jaamac ayaa tilmaamay inaan loosoo dhowaan karin dekada iyo garoonka diyaaradaha inta laga soo fulinayo qodobadii kale ee heshiiska ku qornaa wuxuna hadalkiisa raacshay dhanka DFS inuu ka socon la yahay.

Hadalka masuulkan ayaa waxa uu imaanayaa xili maanta magalada Addis ababa lagu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne Jubba Axmed Madoobe wuxuna la kulmayaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi si uu ugala hadlo arrimo ay ku jireen heshiiskii dhexmaray mamulkiisa iyo DFS.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed