Maamulka Jaamacadda Hargeysa Oo Dhabarka u jeediyey Codsiyo kaga yimi Guddoomiye Muuse Biixi iyo Koox Fannaaniin ah Oo Doonayey inay Barnaamijyo Jaamacadda ku qabsadaan
Hargeysa:19-Oct-2013 (SDN)- Kooxda Haatan Gacanta ku haysa Jaamacadda Hargeysa, ayaa diidmo kala hortagay codsiyo kala duwan oo ka yimi Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo koox fannaaniin ah oo doonayey inay Ardayda siyaabo kala duwan ugu soo bandhigaan barnaamijyo ay wateen.
Sida ay sheegayaan warar kala duwan oo shabadda qurbejoog.com ay heshay Guddoomiye Muuse ayaa isaga laga meermeeriyey Codsi uu Toddobaad ka hor u qortay maamulka Jaamacadda kaas oo uu ku sheegay inuu doonayo inuu ardayda u jeediyo khudbad dhinacyo ballaadhan taabanaysa oo uu ku tilmaamay mid ay Ardayda laftoodu ka soo codsadeen.
Diidmadan ayaa la sheegayaa inay ka timo Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Sacad Cali shire oo haatan ah Guddoomiyaha Board-ka Jaamacadda, kaas oo ku cudurdaartay inaan xaaladda jaamacadda ee xilligani aanay saamaxaynin in muxaadaro laga jeediyo, maadaama khilaaf maamulka iyo Ardayda ku dhexeeyaa uu jiro.
Guddoomiyaha Jaamacadda Dr Gaas ayaa isagu qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay inuu jiro codsigaas ka yimi Guddoomiye Muuse, waxase uu diiday inuu carrabka ku dhufto diidmadad iyo sababta keentayba.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa waxa uu sheegay Koox Fanaaniin ahi in ay u timi si ay Riwaayad ugu dhigaan Jaamacadda taasna ay ka cudur daarteen isagoo ku dooday in Jaamacadda Hargeysi ay leedahay qaybo kala duwan kuwaas oo u arki kara in aanay wakhtigan haboonayn in Riwaayad lagu qabto.
Kooxda Fannaaniinta ah ee Riwaayadda laga diiday oo ay hormood u tahay Ruun Xaddi Sabban, ayaa dhawaan Hutel Mansor ugu soo bandhigay ruwaayad lagu magacaabo Saxbaa Khalad Lagu Saxaa, waxana arrintaas si aad ah uga biyo diiday xukuumadda oo ku macnaysatay mid si gaar ah ugu socota, waxana ay taasi keentay in fannaaniintan il gaar ah lagu eego.
Kooxdan fannaaniinta ah ayaa iyagu sheegay inay wali sugayaan jawaabta codsigooda, waxana ay xuseen inaanay wax dhibaato ah wadin, balse ay doonayaan inay ardayda ka wacyigeliyaan arrimaha dhibaatada ku haya ee ay tahriibtu ka mid tahay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com