Maamulka Jaamacada Hargeysa Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Macalin Jaamacadaasi Dhiganayay Oo Ka Mid Noqday Kooxdii Urur Diimeedka Hargeysa Kaga Dhawaaqday Ee Ciidanku Xabsiga Dhigay Iyo Go’aan Ay Ka Qaateen
Hargaysa 18. April 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Jaamacada Hargeysa ayaa markii u horaysay ka hadlay Macalin Daahir Jaamac Cali oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacada Hargeysa oo dhawaan Ciidamada Bilayska Somaliland Xabsiga u taxaabeen kadib Markii ay isaga iyo Macaliin kale oo uu ka mid yahay Hargeysa kaga dhawaaqeen Urur Diimeed la magac baxay AL-SAADICUUN BIL-XAQ,oo dareen didmo leh laga bixiyay,Waxay maamulka Jaamacada Hargeysa sheegeen inay Macalinkaasi shaqada ka caydhiyeen islamarkaana aanu wax saamayn ah ku yeelan Jaamacada iyo Ardaydii uu wax barayay,Waxa ka fadhiisatay Gudida Sare ee Jaamacada,waxaanay soo saareen Go’aan ay Macalinkaasi Shaqada kaga eryeen ka hor intaanay Ciidanka Bilaysku Xabsiga dhigin.
Prof. Axmed Yuusuf Goolcade oo ka tirsan Masuuliyiinta ama Maamulka Sare ee Jaamacada Hargeysa,Islamarkaana ka tirsan Xafiiska Xidhiidhada Jaamacada oo Shalay Waraysi Khaas ah siiyay Wargeysa Foore ayaa faah faahin ka bixiyay go’aanka ay Jaamacadu ka qaadatay Macalinkaasi waxaana uu yidhi “Ninkaasi Macalin Uunbuu Ahaa,Wax xil ah nooma haynin,Markii aanu ogaanay Hawlahan Xaggiisa ka yimid,Shaqadii Jaamacada Waa laga fadhiisiyay,oo waa laga eryay,intii aan la xidhin,Gudi ayaa ka fadhiisatay,Warqad rasmi ah ayaa laga soo saaray,Warqadaasi waxa lagu cadeeyay inaan Jaamacada looga baahnayn dad Xagjiro ah,ama dad urur diimeed ah,ama urur Siyaasadeed ah,Jaamacadana,Maamulka,Macaliinta iyo Shaqaaluhu inta ay Deyrka Jaamacada ku jiraan,Qof Jaamacadaasi joogaa Ardaydayada kalama hadli karaan arimo Siyaasadeed,Waxa qudha ee loo sheegi karaa waxa weeyaan Ardaydayada oo noo furan oo sharci ah inaanu ku nidhaahno marka Vote-ku yimaado(Codaynta doorashadu) cadeeya oo ha-seexanina,subaxa ka kaca,Shaqsiga aad doonayso u Codee,Xisbiga aad doonaysana u Codee,laakiin wax kale oo arimo Qabiil uu ka mid yahay waa naga mamnuuc,Ninkaasina wuu naga dhamaaday”.
Mar aanu Wax ka waydiinay inay ka maamul ahaan baadheen saamaynta uu Macalinkani ku yeelan karo ardaydii uu wax udhigayay oo waliba uu u dhigayay Duruus ku saabsan dhinaca Islaamka inuu kala sheekaysatay ardayda arimo ku saabsan Urur Diimeedkan uu ku dhawaaqay ama uu taageeray ayaa waxa uu yidhi “ Waanu baadhnay,Kuliyada uu ka shaqaynayay waxay leedahay Hormood iyo Maamul,Kuliyad walba Maamul Gooni ah ayaa xukuma,oo la yidhaahdo Deem,Markaa Dhiinkayaga oo markaa masuul ka ahaa Macalinkan xidhan oo uu la shaqaynayay,iyo Ardayda,Dhinac walba waa laga baadhay wax samayn ah,ama wax uu ku faafiyay Ardayda dhexdeeda majirto”.
Waxa kale oo uu ka hadlay Mudada Uu Jaamacada Hargeysa la joogay iyo Duruusta uu bixinayay “semisterkii dhamaaday iyo Kan imika socdayba wuu nala joogay,inta aan ogahay, laakiin Dalka wuu joogay oo wuxuu la shaqayn jiray Ururo waa weyn oo dalka ka jira, sidaan maqlay qolooyikaasi laftoodu way iska caydhiyeen,oo shaqada way ka joojiyeen, taasi markii aanu ogaanay ee ay Gudida Sare ee Jaamacada Hargeysi xoog u baadhay,Waxay Gudidu garatay in shaqada laga joojiyo oo aanu iska fasaxno,Gudoomiyaha Jaamacaduna Sidaasi ayuu saxeexay,isaga ayaana Gudidana u saaray,Gudi Arinkaasi gasha,si wanaagsan oo aad u wanaagsan oo aanaan isagana Xaqiisa duudsiin anaguna isduudsiin ayaanu u galnay,waanu dhamaynay,Shaqadiina waa laga joojiyay”.
Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Axmed Yuusuf Goolcade oo ka tirsan Xafiiska Xidhiidhada Jaamacadda Hargeysa oo Waraysi Khaas ah oo arintaasi ku saabsan siiyay Wargeyska Foore.