|

Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska R.Wasaaraha oo Tacsi u diraya Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/W oo hooyadiis ku geeriyootay Muqdisho

Muqdisho, Aprili 8, 2015…Maamulka iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Hooyo Xaliimo Afrax Maxamuud oo dhashay Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

“Geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska reer Cali Nuur gaar ahaan Mudane Maxamed Cali Nuur, Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo hooyadiis Marxuumad Xaliimo Afrax Maxamuud oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho”

“Anagoo ku hadlayna magaca dhammaan Maamulka iyo Howl-wadeenada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay, waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu qabriga u waasiciyo, janadiisana ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo dhamaan intii jeclayd” ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Jaamac oo ku hadlayey magaca Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

 

 

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed