Maamulka Hiiraan oo sheegay in la wiiqay awooddii Al-Shabaab ee gobolka
Hiiraan 29.March 2014 (SDN)- Maamulka dowladda federalka ah ee Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la wiiqay awooddii ciidan iyo dhaqaale ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku laheyd gobolka Hiraan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiraan ee dhinaca maaliyadda, Khaliif Cabdi Cumar oo u warramayey Warbaahinta ayaa sheegay in ka adkaashada Al-Shabaab uu hadda isu beddelay burcadeyn waddooyinka loo istaago gaadiidka, si looga qaato lacag baad ah.
Khaliif ayaa sheegay in hadda kaddib la ugaarsan doono madaxda kooxda ee kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan deegaannada miyiga ah ee gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan in ay iska kaashadaan sidii ay isaga celin kooxaha baxsadka ah ee Shabaabka.
Ciidamada dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo gacan kahelaya kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey Al-Shabaab ka qabsaday degmooyinka Buuloburte, Maxaas iyo deegaanno kale oo ka tirsan Hiiraan.
Hiiraan SDN.
Qurbejoog@gmail.com