|

Maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda Soomaaliya oo ku hanjabay in ay la wareegi doonaan deegano kale oo gobolkaasi ka tirsan

Jowhar Feb 19 2013 (SDN)– Xilli ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Jowhar ayaa saraakiisha Gobalka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegeen inay qorsheynayaan la wareegida deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalkaasi.

Cali Cismaan Ibraahin Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobalka Shabeelaha dhexe oo la hadlay Qurbejoog.com ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegayaan deeganada aysan iminka joogin.

Wuxuu sheegay howlgalkii shalay lagula wareegay Garoonka Degmada Jowhar uusan noqon doonin mid istaaga uuna sii socon doono ilaa guud ahaan Gobalka Shabeelaha dhexe laga saarayo Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada ee Gobalka Shabeelaha dhexe Cali Cismaan Ibraahin ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Gobalka looga baahan yahay taageerada Dowladda Soomaliya.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar halkaasi oo ay Shabaab maamuli jireen.

SDN-Jowhar

Comments are closed