Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Ogolaaday in Radio Jowhar dib u Howlgalo, Si Ku meel gaar ahna u degenaado xafiiskeeda
Muqdisho 26.July 2014 (SDN/QJ)- Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maamulka gobolka Shabeelada Dhexe uu ku ogolaaday in Idaacadda Radio Jowhar dib loo howlgeliyo kadib 24 Saac oo ay Hawada ka maqneyd.
Kulan ay manta ay qaateen masuuliyiinta Idaacada iyo Maamulka gobolka ayaa la iskula ogolaaday in Idaacadda xarunta si ku meel gaar ah u sii degenaato, marka loo baahdana ka guurto, iyadoo Idaacadana Radio Jowhar ay ogolaatay in ay raali gelin ka bixiso gefaf la sheegay in idaacada ay ka baxeen, isla markaana ay ballanqaadeen inay xoojn doonaan wada shaqeynta ay maamulka kala dhexeyso.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maamulka Shabeelada Dhexe, gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Eng. Cabdi Jiinow sida wanaagsan ee uu dib ugu howlgelinayo idaacadda.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim ayaa ku tilmaamay go’aanka mid dhiirigelin leh, isagoo yiri “Waxaan soo dhoweyneyna go’aanka guddoomiyaha Gobolka shabeelada Dhexe Eng, Cabdi Jiinow ku ogolaaday in Idaacaddu dib u howlgasho.”
Idaacadda Radio Jowhar, waa idaacada Keli ah ee hadda ka howlgasha magaalada Jowhar, waxa ay shaqeynteeda muhiim u tahay in bulshada reer Jowhar ay la socdaan waxa ka dhacaya dunida daafaheeda.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com