Maamulka Gobolka Maroodi Jeex oo Kormeer hawleed ku maraya Deegaamo ka Tirsan Gobolkaas
Hargaysa 15.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha maamulka Gobolka maroodi jeex Maxamed Maxamuud Cali {jeeniyare} oo ay wehelinaayeen Gudoomiyaha degmadda daarusalaam Axmed Ibraahin Cumar iyo xoghayaha gobolka Maroodijeex ayaa kormeer ku tegay deegaanka Ceel-Sheekh oo ka tirtsan degmada daarul-salaam.
Ujeeddada kormeerkooda ee weftigan oo la xidhiidha u kuurgalka xaaladda nololeed iyo ta bulsho gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxa ay kulamo la yeesheen waxgaradka iyo dadweynaha deegaankaasi ceel-sheekh, waxana ay weftigu halkaa ku dhegaysteen warbixinahii kala duwanaa ee ay dadweynahu bixinayeen.
Gudoomiyaha gobolka maroodijeex ayaa kulankii uu la yeeshay dadweynaha degmadaasi waxa uu balanqaaday inay xukuumadda dhexe gaadhsiinayaan baahiyaha ay halkan ku arkeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com