Maamulka Gobalka Nugaal oo Qaylo-dhaan ka soo Saaray Dhallinyarada Sida Xawliga ah Loo Tahriibinayo
Garowe:12- Aug-2013(SDN) Maamulka Gobalka Nugaal ee Puntland ayaa amarro kala duwan ka soo saaray tahriibinta Dhallinyarada oo muddooyinkii u dambeeyey xadhkaha Goostay.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirse Qarjab ayaa ballan ku qaaday in talllaabo ay ka qaadi doonaan dad uu sheegay in ay ka ganacsadaan tahriibinta dhalin yaro yar yar oo naftooda halis la galiyo kuwaas uu tilmaamay in Gawaadhi looga daabulo gudaha Gobalka Nugaal.
Cabdi Xirse waxa uu tilmaamay in dadka ka ganacsada Tahriibta ay yihiin Shabakado isku xidhan oo Xaruma ku kala leh Deegaanada Somaliland,Itoobiya,Suudaan iyo liibiya, waxa uuna sheegay in gawaadhi looga qaado Garowe ilaa laga geeyo Xuduuda Suudaan iyo liibiya.
“Ma dhacayso in Maamulka Gobalka Nugaal u dul qaato dadka shaqada ka dhigtay in ay ka ganacsadaan Tahriibinta dhalinyarada soo koraysa, waxana ka qaadi doonaa tallaabo gaadhigii lagu qabto isaga oo tahriib wada, waxaan sidoo kale u digaynaa Kooxaha arimahaa ku lugta leh” ayuu yidhi Qarjab.
Taliyaha qaybta Gobalka Nugaal Cabdi raxmaan Abshir Faarax ayaa sheegay dhankiisa in Gobalka Nugaal uu yahay Gobalada Puntland Gobalkii dhalinyarada ugu badan ka Tahriibeen waxa uuna sheegay in in kabadan 720 Dhalinyaro ah ka baxeen Bilooyinkii u danbeeyay.
Cabdi raxmaan Abshir waxa uu sheegay in dhalinyaradaa tahriibaysa ay dhiiri galin ka heleen waalidkood kuwaas uu sheegay in ay ku kaabaan dhaqaalaha ay ku tahriibayaan ilaa looga soo sheego geeridooda waxa uu kala taliyay waalidiinta sida uu sheegay dhalintaa siinaya Dhaqaalaha in ay ka waantoobaan in halis Caruurtooda ku hugaamiyaan.
Amarkan ka soo baxay Maamulka Gobalka Nugaal ayaa imaanaya xili Maamulka Puntland dhawaan sheegay in ay xakameeyeen tahriibkii sida xad dhaafka uga baxi jiray Xeebaha Gobalka Bari iyaga oo uga sii gudbaya Dalka Yaman ilaa ka gaaraan Dalka Sacuudi Carabiya.
Tahriibayaasha ugu badan gaar ahaan kuwa waalidkooda ku tuhmaya lacagta, ayaa haatan iyagu u tahriiba dhinaca Itoobiya iyagoo beegsanaya dhinaca badda talyaaniga, waxana ay safarkaa dheer kala kulmaan dhibaatooyin farabadan oo dhimasho ugu weyn tahay.
Somalidiasporanews.com