|

Maamulka gobalka Banaadir oo soo bandhigay tirada shirkadaha isku soo diiwangeliyay dib u dhiska Muqdisho

Muqdisho Dec 22 2012 (SDN)—Kadib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa masuuliyinta maamulka Gobolka waxa ay soo bandhigeen tirada shirkada soo gudbisatay codsiyadooda ku aadan ka qeyb qaadshada mashruuca lagu dhisayo Degmooyinka Gobolka Banaadir oo uu bixinayo maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Max.uud Axmed Nuur Tarsan oo ku sugnaa halka lagu soo bandhigayey tirada shirkadaha iyo degmooyinka ay codsiyada kasoo dhiibteen ayaa sharaxay qaabka markii hore ay ku bilaabatay howshan iyo tirada ay la ekaayeen shirkadii markii hore soo gudbistay codsiyada isagoo oo sheegay in iminka ay isku soo hareen oo kaliya 66 shirkadood oo u taagan mid waliba inuu qeyb ka noqdo mashruuca uu bixinayo maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale kula dardaarmay shirkadaha nasiibka u yeesha inay helaan mashruucan in si cadaalad ah ay u qabtaan shaqada loo ikmaday isagoo xusay inay la xisaabtami doonaan shirkadii lagu arkaa in si aan wanagsaneyn ay u qabato howsha lagu dhisayo Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilihii lasoo dhaafay ku howlanaa sidii mar kale loo soo celin lahaa bilicdii magaalada Muqdisho oo mudo kabadan 21,sano kujirtay burbur ay sababeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed