Maamulka Garoonka Gaalkacyo ee C.laahi Yuusuf oo beeniyey Warar Sheegayay in Ciidamo Kamaandaws ahi la Wareegeen Madaarkaas DAAWO
Gaalkacayo 07,Aug 2016 (SDN/QJ):-Mareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo Siciid C/raxmaan dhagaweyne ayaa beeniyey warar uu sheegay in saxaafada ay ku qortay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo kuwaas oo lagu baahiyey baraha Bulshadu ay isticmaasho.
Siciid C/raxmaan Yuusuf ( dhaga Weyne ),Mareeyaha garoonka Gaalkacyo C/laahi Yusuuf Airpor ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo ah oo la wareegay garoonka iyo wax xil ah oo laga qaaday isaga.
Qaybo kamid ah Warbaahinta koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ayaa daabacay inay jiraan Ciidamo 100 Askari gaaraya oo la wareegay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo sidoo kalana khilaaf soo kala dhexgalay maamulka garoonka iyo dawlada Puntland xilkii laga qaday.