Maamulka Galmudug oo sheegay in aan xilka laga qaadi karin Caalin
Gaalkacyo Dec 04,2011(qurbejoog.com)- Maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan jirin xil ka qaasitii dhawaan ay ku dhawaaqeen Xildhibaanada maamulka Galmudug kaas oo ay xilka kaga qaadeen Madaxweynihii hore ee Max’ed Axmed Caalin.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug Axmed Max’ud Xasan Axmed Baasto ayaa waxa uu sheegay in gabi ahaanba uusan xilka ka dagaynin Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin.
Wasiirka ayaa waxaa uu sharici daro ku tilmaamay xilka qaadistaasi oo uu sheegay inay tahay mid aan loo soo marin wadadii loo baahanaa, wuxuuna carabka ku dhuftay in arintaasi ay ka dambeeyeen kooxo uu ku sheegay inay isku soo xireen guri.
Axmed Baasto ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in Xubno isa soo abaabulay aysan wax dooran karin islamarkaana ay xil ka qaadi karin Madaxweyne Maamul, isagoo tilmaamay in aritnaasi ay tahay wax aan sal ku lahayan shuruucda iyo nidaamka u dagsan Maamulka Galmudug.
Hadalkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xilli shalay Koofurta Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin.
Qurbejoog-Gaalkacyo