Maamulka Gal-mudug Oo Gacanta Ku Dhigay Kooxo Laga Shaksan Yahay iyo Baadhitaano lagu Hayo
Gaalkacyo:23-Nov-2013(SDN)-Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Gal-mudug Maxamuud Maxamed Cawaale, ayaa sheegay inay Hawlgal ay sameeyeen ku Soo Qabqabteen Kooxo looga shakisan yahay iinay fidno wadeen oo uu haatan baadhitaan ku socdo.
Guddoomiyaha oo aan cayimin tirada Dadkaas, ayaa tilmaamay in qaarkood la qabtay iyagoo faraha kula jira falal ammaanka ka dhan ah, isagoo tilmaamay inay ku soo qabteen warar Xuuraan ah oo ay heleen.
Gudoomiyaha Hobyo ee maamulka Gal-mudug waxa uu sheegay in ruux kasta oo dadka la qabtay kamid ah hasa yeeshee aan danbi laheyn lasii deyn doono danbiilayaashana cadaalada lahor keeni doono.
S.D.N