Maamulka Dubai Oo Bilaabaysa Dhismaha Ugu Dheer Adduunka
Dubai 13.October 2016 (SDN/QJ):-Muddooyinkan danbe ayaa waxa kor u kacay tartanka dhismayaasha aadka u dhaadheer ee waddamada Carabta ah gaar ahaan dalka Isku taga Imaaraadka Carabta, kadib markii lagu guuleystay dhismaha “Burk Al-Khaliifa” oo isagu noqday ka ugu dheer Caalamka. Xukuumadda Dubai ayaa waxay bilawday inay dhagax dhigto dhismo cusub oo la magac baxay “Tour Dubai”.
Dhismahan ayaa waxa la sheegay inuu ku kici doono qiime dhan hal Millyaar oo dollar, waxa aanay sheegeen Engineerada gacanta ku hayaa dhismahani inuu dhamaan doono sanadka 2020 haddii illaahay yidhaa.
Xaakimka Dubai ee Sheekh Maxamed Bin-Raashid Aal-Maktuum ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu waqti hore go’aan ku gaadhnay in aanu gudahayaga tartano si aan guulo wanaagsan u gaadhno waana arrin loo baahan yahay”.
Qaabka cusub ee loo dhiso doono dhismahan ayaa waxa diyaariyay Eng.Santiego Kalatar oo u dhashay dalka Spain oo wax ku bartay dalka Switzerland.