|

Maamulka D/Hoose ee Burco oo Jabiyey Wareegto Lagu Joojiyey Bixinta Dhulka Danta Guud iyo Xukuumadda oo ka Hadashay DAAWO

Burco 01. February 2018 (SDN/QJ):-Maamulka Dawladda Hoose ee degmada Burco, ayaa jabiyay  wareegto   Wasaaradda Hawlaha Guud ay Maayarrada kaga joojisay sharciyaynta iyo qorshaynta dhulka bannaan ee Magaalooyinka  dalka  iyo bixinta dhulka danta guud oo soo baxday 3-dii Bishii hore.

Maayarka Burco Maxamed Yuusuf  Cabdiraxmaan (Murad) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday), ayaa  ciidanka qaranka ee Aagga Bari oo fadhigoodu yahay magaalada  Burco  ku wareejiyey Boqol balloodh oo dhul dan guud ah shalay.

Dhulka D/Hoose Bixisay:

Maayarka Burco ayaa ku dooday  inay tallaabadan u qaadeen si ay ciidanka qaranka uga dul-qaadaan culayska qoysaska dhex degan xeradooda. “Waxaanu maanta (shalay)  halkan ku guddoon siinaynaa dhul  boqol balloodh ah  ciidanka qaranka ee Aagga bari, si xaasaska iyo maatida degan xerada dhexdeeda ay iskaga soo raraan oo ay halkan keenaan ka dibna qoysaskan biyihii iyo adeegyadii kale daruuriga ahaa looga sameeyo dhulkan, si ay xeradu u noqoto meel bannaan,”ayuu yidhi  Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad).

 

Waxa kaloo uu  intaas ku daray; “Waxaanu hore uga rarnay xeradan 60 qoys oo aanu guryo uga dhisnay xaafada la yidhaahdo 27 May, imikana waxa laga soo rarayaa boqol qoys. Haddii boqolkan reer laga soo raro,  waxa ku hadhaya dad aan ka badnayn ilaa 40 qoys. Waxaanu doonaynaa inaanu dadkayagana u danayno oo dhul siino, ciidammada qarankana  aanu culayska ka dulqaadno.”

Jawaabta Wasiirka Hawlaha Guud:

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland, Md. Cabdirashiid Ducaale Qambi, oo  Wargeyska Dawan, wax ka weydiiyey  dhulkan Maayarka Burco bixiyay, ayaa  sheegay inaanay  waxba kala socon wasaarad ahaan isla markaana aanay waxba iska beddelin digreetadii uu soo saaray 3-dii Bishii January waxaanu yidhi “Wax xog ah oo aanu kala soconaa ma jirto wasiir ahaan iyo wasaarad ahaanba go’aankii xukuumaddana wuu haystaa.”

 

“Waxaanu xog dhulkan ku saabsan oo intaas ka badan wadaagi lahayn Maayarka  intii aanu ku dhawaaqin bixinta dhulkaas, laakiin hadda go’aankiisu  waa mid isaga (maayarka) u  gaar ah,”ayuu yidhi Wasiir Cabdirashiid.

Digreetadii Xukuumadda Dhexe:

Dhulkan danta guud ee dawladda hoose ee Burco ciidanka qaranku ku wareejisay, waxay si toos ah uga hor imanaysaa Wareegtadii Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cabdirashiid Ducaale Qambi uu soo saaray  3-dii bishii hore ee January oo ka mid ahayd saddex digreeto oo xukuumadda cusub ee Somaliland ay ku ilaalinayso dhulka danta guud isla markaana gacanta dawladda dib loogu soo celinayo  danta guud ee sida sharci darrada ah lagu bixiyey.

Wareegtada maamulka dawladda hoose ee Burco fulin waayeen  waxay u dhignayd sidan:-

 

“Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambe Wuxuu Joojiyey Sharciyaynta iyo Qorshaynta Dhulka Banaan ee Magaalooyinka dalka iyo bixinta danta guud.

 

Waxa la Amrayaa Dhammaan Maayarrada Magaalooyinka, Guddoomiyayaasha Gobollada dalka in 3/01/2018 laga bilaabo la Joojiyey Sharciyaynta iyo Qorshaynta Dhulka Banaan ee Magaalooyinka dalka iyo bixinta danta guud. Wasiirka WHG/DH/Guryeynta ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee Naqshadaha Guud iyo Guddoomiyaha Guddiga Dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha Dawladda.

 

Markaan arkay:Qodobka 3aad, 4aad iyo 5aad ee Xeerka Dhulka, Xeer No. 17/2001.

 

Markaan arkay:Qodobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo tilmaamaya jago bixinta ka reeban Dawladaha Hoose Faqradiisa 1-aad & 2-aad oo  u dhigan sida tan ‘Maamulka Dawladdaha Hoose waxaa ka reeban inay bixiyaan dhul ku yaala meelaha: macdanta, dhulbereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay.’

 

Markaan arkay:Qodobka 43aad ee Xeerka ismaamulka gobollada iyo dagmooyinka dalka JSL Faqradiisa 2aad ee qeexaya waxaa ka reeban guddi hoosaadyada una qoran sidan: guddi hoosaadyada golaha degaanka waxaa ka reeban inay saxeexaan document la xidhiidha

 

Dhul Bixinta Mulkiyadaha Dhulka Waraaqaha cadaynta, xaqiijinta, hubinta iyo ansixinta soo eegis dhul.

Markaan arkay:Xeerka Madaxweynaha ee sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2314/032014 ee soo celinta, gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda.

 

Markaan ku qancay: Boobka iyo weerarka lagu hayo dhulka danaha guud iyo guryaha dawladda.

 

Waxaan soo saaray go’aanadan.

 

Waxaan joojiyay laga bilaabo 3/01/2018 qorshaynta iyo sharciyaynta dhulka bannaan & beeraha.

 

 

Dawladaha Hoose ee dalka waxaa ka reeban inay sameeyaan nashqad dhul (Town Plan) nooc kasta uu yahay sida ku cad: Qodobka 3-aad ee Xeerka maamulka dhulka Xeer No. 17/2001.

Waxaa ka reeban dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday danta guud ee laga jaray beeraha dadweynaha.

In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, laysku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha dawladda sida ku cad wareegtada Madaxweynaha JSL ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda ciddii ku kacdana arrimaha qodobkan ku qoran kuma yeelan doonto magdhaw xukuumadda.

Masuuliinta ku xadgudubta arrimaha dhulka waxa qaban doona xeerka ciqaabta ee ku xusan Xeerka Dhulka, Xeer No.17/2001, Qodobkiisa 29-aad Faqradiisa 1-aad ,iyo Faqradiisa 2-aad.

Qoraalkan wuxuu dhaqan gelayaa 3/01/ 2018 sidaa darteed, waxa lagu wargalinayaa dhammaan hay’adaha dawladda ee ay khusayso digreetadani iyo mulkiilayaasha beeraha in ay dhawraan islamarkaana ilaaliyaan sharciga iyo xeerarka dalka u yaalla.”

Xigasho; Wargeyska Dawan

Comments are closed