Maamulka Degmada Xudun ee Gobolka Sool oo deeq raashin ah gaadhsiiyay deegaamo hoos taga Degmadaas kana hadlay Wadciga Nolosha
Xudun 05.Sep 2013 (SDN)-Maayarka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Kormeer Shaqo iyo raashin qaybin waxa ay ku soo mareen deegaamo badan oo hoos taga degmada Xudun.
Maayarka oo ay Weheliyaan Axmed Maxamed Caateeye “Awoowo” oo ka mid ah Siyaasiyiinta degmadaas,iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Colu-joog waxay lugta Kormeerkooda ku soo mareen Deegaamada Awr boogays,Lafa weyne, Hol Hol,Bohol,Gorofley,Laasa Curdin,Xangey iyo Ceelka Shiidaalka ee Hol Hol iyagoo warbixino ka dhagaystay Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku dhaqan Jiidaha ay safarka ku soo mareen,oo Xukuumada Somaliland ka codsaday inay wax kala qabato baahiyaha aasaasiga ah ee Shacabku u degmadaasi u baahan yihiin.
Axmed Maxamed Caateeye “Awoowo” ayaa wasaarada Macdanta iyo Tamarta ku amaanay hawsha balaadhan ee sahaminta Shiidaalka ah ee ay ka wado Goobo ka mid ah dalka waxaanu xusay in ilgaar ah lagu eego Ceelka Deegaanka Hol Hol oo Mudo hore uu Sheegay in laga helay Shiidaal waxaa kale oo uu bulshada ku nool Jiidaha degmada Xudun ugu baaqay inay isgarab taagaan hawlaha waxqabad ee Degmadu u baahan tahay.
Maayarka Degmada Xudun ee Gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin ayaa sheegtay in Ujeedada Kormeerkoodu uu salka ku hayay Xog Ogaal u noqoshada xaalada Nabadgalyo iyo Nololeed ee Jiida degmadaas oo Koobsata deegaamo badan waxaa kale oo Maayarka Degmada Xudun uu xusay inay gaadhsiiyeen deegaamada degmadaasi Raashin ay ku deeqday dawlada Turkigu oo dhan laba Kun oo Kiish,kuwaas oo uu sheegay inay si habsami leh qaybintoodii ugu soo Gabagabaysantay.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now ee Gobolka Sool Nadiifo Maxamed Colu-joog iyo qaar ka mid ah Waxgaradka deegaamada Degmada Xudun ee Gobolka Sool.
Xudun SDN.
Qurbejoog.com