|

Maamulka Degmada Qardho oo ka hadlay Gaadhi lacag ah ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo ay qabteen DHAGAYSO

Kar-Kaar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Xili dhawaan magaalooyinka Puntland ay kasocdaan hawlgalo lagu baacsanayo dadka  diidaya  lacagta Shilinka Soomaaliyga  ayaa ciidamada amanaanku ay sii laba jibaareen hawlgalada ka dhanka ah Lacagta Shilinka Soomaaliga.

 

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar ayaa xalay lagu qabtay Gaari wadday Lacag shilin Soomaali  ah kaas oo u safrinayey gobol kale.

 

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere oo lahadlay tvga dawlada Jubbbaland xafiiskiisa degma Qardho ayaa sheegay inay ciidamada amnaanku xalay gacanta ku dhigeen gaarigaasi.

 

Cabdi Siciid ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inuu gaarigaasi soo maray dhamaan Kantaroolada magaalooyinka Puntland isla markaana uu ka keenay lacagta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Comments are closed