Maamulka Dawladda Hoose Oo Sheegtay In Baabuurta Loo Yaqaan TUKHAANKU/ VITS ay Culays Ku Hayaan Jidka Wadnaha Hargeysa
Hargeysa, 08.April 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa Digniin u diray Dirawallada Tagaasida yaryar ee Magaalada ka dhex shaqeeya, kuwaasi oo Dawladda Hoose sheegtay inay Istaan ka dhigteen meelo ka mid ah Waddada Wadnaha ee Caasimadda isla-markaana dhibaato ku hayaan isku socodka Gaadiidka kale ee jidkaa isticmaala.
Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo Shalay Shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Gaadhiga dambe ee la dhigo Waddada Hareeraheeda, gaar ahaan inta u dhow Kheyriyada badhtamaha Magaalada Ganaaxi doonaan.
Maayar ku-xigeenka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dhammaan Gaadiidleyda Hargeysa waxaanu ogeysiinaynaa inaan Waddada Wadnaha loo ogoleyn in Gaadiidka la dhigto (Parking). Waxaad mooddaa Waddadii oo Hal Haad laga dhigay inay meel Gaadiidka la dhigto ka dhigteen Baabuurta yaryar ee loo yaqaanno (Tukhaanka) iyo Gaadiidka kaleba, taasina waxay keentay in Waddadii labada Haad ahayd ee dhinaca u wada socotay ay Hal Haad ku soo ururtay oo Baabuurta uun la dhiganayo oo lagu kireysanayo oo ay Istaan noqotay.”
Maayar ku-xigeenka Hargeysa waxa kale oo uu sheegay, “Markaa Istaan inay noqoto uma ogolaan doono oo waanu ka Ganaaxi doonaa, waayo? Waxay dhib ku keeneen Isku socodkii gaadiidka.” Ayuu yidhi.