Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Bali Gubadle oo Hawlgal Nadaafadeed ka fuliyay Bali gubadle.
BaMaayirka Degmada Balli-Gubadle Mud,Cabdi Iimaan Jaamac oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka ee Degmada ayaa maanta ka qayb galay Olole Nadaafadeed oo laga fuliyey xaafadaha iyo suuqyada Magaalada Balli-gubadle.
Ololahan oo ay ka qayb galeen dadweynaha magaalada bali-gubadle iyo shaqaalaha dawlada hoose ,hadal uu halkaasi uga jeediyey dadweynaha ka qayb qaadanayey ololahaasi nadaafadeed, waxa uu ku booriyay inay xoojiyaan nadaafada waqtigan lagu jiro xilli roobaadka oo haddii aan xashiishka layska hagaajin ayn ka dhalan karaan ka dhalan karaan xanuuno kala duwan.
Dhinaca kalena Maayirka degmada Balli-gubadle,Mudane,Cabdi Iimaan Jaamac, waxa uu u soo jeediyey shirkada laydhka ee magaaladaas in ay wadooyinka magaalada ku xidhaan laydhadhka amaanka ee habeenkii waxaanu balanqaaday inay dawlad hoose gacan ka siindoonto xaga qalabka laydhka.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com