|

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargaysa oo ku Baaqay in Bukaan Jiifka la Soo Kaalmeeyo Bishan Ramadaan

Hargaysa 01.Aug (SDN) Agaasimaha Isbitaalka Guud  ee  magalada Hargeysa Dr,Axmed Xaji Cumar Askar,ayaa ugu baaqay Ganacsatada Somaliland inay Bisha Ramadaan  ay Sekedooda  wax ugaga deeqaan Bukaan jiifka  ku sugan  Isbitaalka  Maskaxda  iyo  Isbitaalka  Guud  ee caasimada.

Agaasimaha Isbitaalka Guud waxa uu sheegay in Guddiga Caafimaadka ee  gobolka Marodi-jeex ay hore ula xidhiidheen dad ka mid ah maal qabeenada iyo Ganacsatada dalka Somaliland,kuwaasi oo ay u jeediyeen  in taakulo dhaqaale loo guro qaybta kelyaha ee isbitaalka Guud,taasi oo  uu sheegay in  dad badan oo ganacsato ahi ay  si fiican uga qayb  qaateen, haatana  dhaqaalahaasi  lagu caawiyeyuu  kayd uga yaalo qaybta kelyaha ee cisbitaalaka.

Dr, Axmed Xaaji Cumar Askar.waxa uu intaa ku daray inay Baahiyo badani ka jiraan isbitaalka guud ee caasimada hargaysa,  waxaana uu  ugu baaqay  Ganacsatada iyo maal-qabeenka  inay Caawimo u gaystaan  dadka bukaan jiifka ah, gaar ahaana kuwa isbitaalka  maskaxda ee hargays.

Waxa kale oo uu Agaasimuhu  sheegay in Qurba jooga a Somaliland ay caawimo iyo taakulo badan oo kala duwan  soo gaadhsiiyaanisbitaalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed