“Maamulka Berbera Midna Marwada Magacawda, Midna Madaxwaynahaa Magacaaba” Gudoomiyaha Ucid ee Saaxil
Hargeysa, 25 May 2015 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, ayaa dhaliilo xoogan u soo jeedisay maamulka gobolka siiba ka waxbarashada ee Gobolkaasi, isla markaana waxay sheegtay maamulka midna soo magacawdo Marwado, midna uu soo magacaabo Madaxweyne Siilaanyo.
Rooda Axmed Yaasin waxay sidaa ku sheegtay shirjaraaid oo ay ku qabtay magaalada hargeysay waxayna tidhi “ Maanta (shalay), waxaan shirkan Jaraaid u qabtay arimo badan oo ka taagan gobolka Saaxil oo had iyo jeer warwar iyo walaac nagag jiro anaga ka xisbi ahaan, aniguna kolay aad ayaan ugu xogogaalsanahay Gobalka maadaama oo aan ahay qof dagan Gobolka. Shirkan aan qabanayaa waxa uu daaran yahay laba arimood hadaan ku horeeyo xaga dhanka waxabarashada ee Gobolka Waxbarashada Gobalka Saaxil wakhti xaadirkan oo imtixaano inugu soo fool leeyihiin waa mid aad u liidata waxaan baaq u dirayaa dadka dagan gobalka saaxil gaar ahaan waalidiinta maadaaba oo maamulka Gobolku yahay mid aad u liita wakhtigan oo ku mashquulsan ilaha dhaqaalah ee gobalka”. Ayay tidhi Marwo Rooda Axmed Yaasiin waxayna hadalkeedii sii raacisay “Maamulkan gobolku waa laba qaybood waa maamul sare iyo mid hoose mid marwadu magacowdo iyo mid madaxwenyhu magacaabo markaa waxaan leeyahay aad baa barbara waxbarashadeedu u liidataa ninka waxbarashada haysata Gobolka maaha nin aqoon leh inaan kursi doonaya ayaa inaan mustaqbalkiisa luminaaya “
Sidoo kale, waxay sheegtay Rooda Axmed Yaasiin in maamulka gobolka Marwada iyo Madaxweynuhu soo kala magacaabaan “Maamulka Gobalka waxa aan qabaa in aan anuu kaga awood badanhay waayo intuu maamulku meel isa soo taago dadka wax uma sheegi karo waa maamul dhuubanaaya waxa lix iyo labaatanka juun lugu qudbayin waayay 18 may waa baqasho waxa weeyaan dadkii ay maamulayeen ayaan cidla ula bixi Karin oo aanay wax u sheegi Karin nin dadkii uu maamulaayay wax u sheegi kari waayay waxaba ma maamuli karaayo .Waxaan hadalkyga ku soo gabagabynayaa waar magaaladii Barbara lama mid aha magaalooyinka baqaan waxaan u dirayaa dal iyo dibadab aafada gobalka ka dhacayaa waxa ay ka jirtaa lix barbara Jooga Iyo lix madaxtooyada jooga lixdaa madaxtooyada Jooga lixdii sar ee ay ku fadhiyeen waxa ay joogaan halkan Barbara.”