|

Maamulaha Iddaacada Shabeelle:Waxaan Xabsiga ugu jiraa in Camerad iddaacadu leedahay lagu wareystay gabar la kufsaday

Muqdisho Nov 27,2013(SDN)-Maamulaha Iddaacada Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii shanaad xabsiga ugu hoyday shababo la xiriira wareysi lala yeeshay gabar suxuufiyad ah oo sheegtay in wariye ka howl gala warbaahinta dawlada uu kufsaday.

“waxaan xabsiga ugu jiraa wariye Shabeelle ka tirsan oo camerad iddaacadu leedahay ku wareystay gabadh la kufsaday”sidaa waxa yiri Cabdimalik Yusuf Maxamuud oo xabsiga kiyoo ku jira u waramay Al Jaziira.

“Waxa ay aniga iyo wariye maxamedba noo diideen qareeno,waxaana xabsi la wadaagnaa denbiileyaal xukuno ku dheceen”ayuu mar kale yiri Cabdimalik.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in sadexda ruuxba ay u xiran yihiin ka dib kolkii weriye a ku eedeeyeen in uu kufsi geystay.

Gabadha wariyaha ah ee la kufsaday ayaa sheegtay in suxufi kale oo ka hawlgala warbaahinta dawlada uu bastoolad kiyoo ku haya uu kufsaday,sidaana ay xadhiga ku muteysatay.

Afhayeenka Dawlada Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa Al Jaziira u sheegay in maxkamadeynta sadexda ruux ee xirani ay socoto dawladuna aaney farogelin ku sameyn kareyn.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed