|

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo soo saaray liiskooda Aqalka Sare & Xubnaha loo Xulay Akhri

Muqdisho 10. October 2016 (SDN/QJ):- Maamullada Jubbaland iyo Galmudug ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnahoooda u matalaya Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Somalia.

Xubnaha labada maamul soo saareen oo ka kooban 8 xubnood.

juba-land-iyo-gal-mudugJubbaland ayaa kuraastaas ku tar-tansiisay qaar kamid ah murashiixta booskan doonaya ee kasoo jeeda beelaha maamulkaasi daga.

Dhinaca kale Galmudug, ayaa soo saartay liis ay ku cadyihiin Sideed xubnood oo maamulkaasi u matali doona Aqalka Sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooya Cadaado, ayaa lagu sheegay xubnahan iyo beelaha ay kasoo jeedaan, waxaana ka dhex muuqada shakhsiyaad xilal kasoo qabtay Galmudug oo ugu sareeyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Xubnahan ayaa intooda badan loo tartansiiyay min labo xubin.

Waxay soo baxeen xilli maamulka Puntland soo saartay Liiskeeda oo ka kooban 11 xubnood.

Wali lamasoo dhammaystirin liiskii lasugayay oo ka kooban 54 xubnood, waxaana jira maamullo aan wali soo gudbin sida Koonfur Galbeed iyo Somaliland.

Halkan Hoose ka Wada Akhri Liisaska ay Juba Land iyo Galmudug soo Saareen

juba-1juba-2gal-m-li

 

Comments are closed