Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land oo Ka Gil Gishay eedayn uga Timid Dawlada Federaalka Somalia & Dulucda War Murtiyeed ay ka soo Saareen Akhri
Garowe 26. May 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Puntland ayaa si adag uga jawaabtay eedeyn dhawaan uga timid Wasiirka Kaluumeesiga Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi , oo ku eedeeyay Puntland in ay fashilisay shir ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles.
Wasaarada Kalluumeesiga Puntland Puntland ayaa beenisay in ay fashiliyeen shirka ka dhicvi lahaa Jaziirada Seychelles , waxa ayna ku eedeeyay Wasaarada Kalluumeesiga Xukuumadfa Soomaaliya in iyadu diiday in ay saxiixdo waxa ay ku heshiiyeen.
Puntland waxay ku eedaysay wasaaradda kalluumaysiga federaalka inay shirkii muqdisho ay ku soo bandhigtay Macluumaad laga soo minguuriyay wadamo kale, kuwaas oo si khaldan looga dhigay in baddeenna laga soo ururiyay.