|

Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land oo Hakiyey Gaadiidka Shacabka ee isaga Gudbi Jiray Somaliland Iyo Punt Land!!

Garoowe 09. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo warbaahinta kula hadlay magaaladda garoowe ayaa sheegay in Puntland ay hakisay nooc walba gadiidkii ka imaan jiray degaanada Maamulka Somaliland, islamarkaana aysan jiri doonin gaadiid hadda kadib ka gudbidoono Puntland una gudbidoona Somaliland.

Waxa uu sheegay tilaabadaan inay Puntland  kaga jawaabayso daandaansiga maamulka Somali-land iyo dagaalkii shalay ka dhacay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, oo Ciidamadda Somali-land dagaal kula wareegeen.

 

Shalay Ciidamo ka kala Tirsan Maamuladda Somali-land iyo Puntland ayaa ku dagaalamay deegaankada Tukaraq ee Gobolka Sool, labada dhinac ayaa is eedeeyay.

Comments are closed