Maamul Goboleedka Puntland oo noqday Maamulkii ugu dambeeyey ee dhameystira xubnaha aqalka hoose (Magacyada 37 Xildhibaan)
Garowe 13. December 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay Galab lagu soo gebagebeeyey magaalada Garoowe doorashada xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland ku metelaya aqalka hoose ee Baarlamanka federaalka Somalia.
Xildhibaanada cusub ee laga soo doortay Puntland ayaa waxay isugu jiraan wejiyo cusub iyo qaar ka tirsanaa Baarlamankii hore oo dib u soo laabtay.
Maamulka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu dambeeyey ee soo afmeeray doorashada xubnaha ku metelaya aqalka hoose, iyadoo maamul goboleedyada kale ay horey u soo afjareen.
Waxaa lagu wadaa in 15ka bishan oo maalmo kooban ay inaga xigaan si rasmi ah loogu dhaariyo Muqdisho xildhibaanada baarlamanka Somalia, iyadoo la sugayo doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee gobolada woqooyi oo Muqdisho ka socda, kuwaasoo iyana maalmaha soo socda la soo gebagebeyn doono.
Liiska Magacyada 37-ka xildhibaan ee Puntland ku metelaya aqalka hoose oo dhameystiran ayaa waxay kala yihiin:-