Maamul-goboleedka Puntland Oo Ciidamo Xoog leh Ku Daabulay Gudaha Magaalada Gaalkacyo
Galkacyo:Jully,22,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Magaalada Galkacyo ee Xarunta Maamul-goboleedka Galmudug, ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay halkaas ku daabushay Ciidamo Tiro badan oo laga keenay Magaalada Garowe.
Puntland oo ka arrimisa waqooyiga Bariga iyo Galbeedka Gaalkacyo ayaa heegan gelisay ciidamadeeda maalinimadii shalay, xili koonfurta Gaalkacyo uu soo gaadhay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikarim Guuleed.
Cabdikariim Guleed Madaxweynaha Galmudug oo dhawaan lagu doortay shirkii Cadaado ayaa la sheegay inuu koonfurta Gaalkacyo u yimid sidii uu ulla kulmi lahaa wafdiga Raysalwasaaraha arrintan oo markii danbe suurtogal noqon weyday.
Baaqashada kulanka Cumar iyo Cabdikariim ayaa la rumeysan yahay inay la xidhiidho baaq kasoo baxay Maamulka Puntland oo si weyn uga soo horjeedda Dhiggiisa Galmudug.
Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu adkeynayo amaanka xaduuda uu la wadaago koonfurta xili ay gobalada dhexe kasoo cusboonaadeen dagaalo u dhaxeeya maamulka cusub ee Galmudug iyo maamulka Gobalada dhexe ee uu dhisay dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna.
Saraakiil u hadashay Puntland ayaa sheegay inay isha ku hayaan xiisadaha ka taagan gobalka Galgaduud ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, isla markaana ka gaashamaan doonaan in xiisadaasi u soo talaabto dhanka waqooyiga, bariga iyo galbeedka Mudug oo ay ka taliso Puntland.
SDN/QJ