Maamul Goboleedka Punt land oo Xukuno adag ku riday dad ku eedaysan Qaran Dumis iyo Mas’uuliyiin ka Jawaabay
Garowe 14,Jan 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xabsi daa’in iyo xukuno dhaadheer ku riday 14 qof oo reer Puntland oo lagu eedeeyay inay yihiin dambiilayaal qaran,kuwaasoo ka maqan gacanta dowlada.
Xukunada dadkaan ayaa yimid kadib markii maanta maxkamada la horkeenay dacwado ku saabsanaa inay ka qeyb galeen dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah jiritaanka Puntland islamarkaana iyagoo adeegsanaya magaca waqooyiga gobolka Mudug ay sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka maamul usamaynta gobolada dhexe.
Saddex kamid ah dadkaan oo uu ku jiro CabdiWeli Muuse Shirre Dhamuuke oo horey u ahaan jiray xildhibaan katirsan Puntland ayaa lagu riday xabsi daa’an halka 11 kalena lagu riday 10 sano oo xariga ah.
Go’aanka maxkamada waxaa ku dhawaaqay Axmed Salaad Maxamed oo katirsan garsoorayaasha maxkamada darajada ee gobolka Nugaal, kaaso goobta kaga dhawaaqay magacyada dadka la xukumay.
Dhinaca kale xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan oo saxaafada lahadlay kula xarunta maxkamada ayaa ciidamada faray inay gacanta kusoo dhigaan shakhsiyaadka xukunka lagu riday si ay u wajahaan ciqaabtooda dambi.
Cali Cigaal Wasiir ku xigeenki horre ee Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa la sheegay in uu ku xanuunsanayo Magaalada Garoowe Maxkabada darajada 1 aad ee Gobolka Nugaal waxa ay ku riday xukun 10 sano ah waxaana lagu eedeeyay qaran dumus in uu yahay kaasoo sida ay sheegayn ka qayb galay shirka maamulka gobolada dhaxe loogu dhisayo ee cadaado kasocda Cali Cigaal oo Warbaahintu ku booqatay Gurigiisa ayaa waxa uu sheegay bilihii ugu danbeeyay in uu ahaa bukaan dhul yaal ah isla markaasa waxa uu sheegay in xukunka maxkabada yahay mid lala dag dagay oo baaritaan ubaahnaa ku saleeysan eeda la ii soo jeediyay cali cigaal ayaa horay usoo noqday wasiir ku caafimaadka pl xiligii madaxweeyne cada dalka maamulayay