Maamul Goboleedka Punt Land oo Gacanta ku dhigay Hub tiro badan oo qaab qarsoon loo geliyay DAAWO
Boosaaso 24. September 2017 (SDN/QJ):- Ciidamadda badda Puntland ee PMPF ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay qayb ka mid ah hub si sharci darro ah la doonayay in lagu soo galiyay Puntland.
Hubkan ayaa saarnaa laash nooca shabaxa ah, waxaana laga dejinayay xeebta magaaladda Bosaso.
G/Sare Maxamed Maxamuud Xasan oo ka Tirsan ciidamada Badda Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doonida hubkasiday laga soo qabtay meel 9km dhinaca bari kaga beegan magaaladda Bosaaso
“Dhishiike,BKM, AK47, bastoolado iyo rasaas iyo silisyada qoryaha dhishiika ah lagu xiro, waxaana siday dooni lagu magacaabo Al-furqaan” ayuu yiri taliyuhu.
Wuxuu sheegay in hubka ay soo bandhigeen uu yahay qaybtii saarnayd Laashka, balse qaybtii labaad ee hubka oo lagu dejiyay xeebta magaaladda Bosaso ay gacanta ku hayaan ciidamadda Booliiska Gobolka bari oo dhinac beriga ka soo weeraray laashka. waxaa kaloo uu sheegay inay ku dabajiraan ganacsatadii iska lahaa hubka. sidoo kale ciidamadu ma soo bandhigin ragii doonida waday iyo tirada hubka ay qabteen.
Laashka hubka siday ayaa wararku sheegayaan inuu hubka ka soo qaaday dalka yemen oo ay dagaalo ka socdaan, waxaana hubka la qabtay mulkiyadiisa iska lahaa ganacsato reer Puntland oo hubka ka baayac mushtara, kuwasoo magacyadooda aysan ciidamadu soo bandhigin.iidamada Badda Puntland ayaa saaka waabarigii meel magaalada Boosaaso u jirta 9 Km oo lagu magacaabo Mareero ka soo qabtay saxiimad yar oo uu ku raran yahay hub kala duwan