|

Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Shaaciyey Inay Qaadi-doonaan Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Kismaayo 5. February,2016(SDN/QJ):–  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in ay isku diyaariyeen hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasoo dhawaan ay ku qaadayaan deegaannada ay ka maamulaan Gobollada Jubbooyinka.

Axmed MadobeAxmed Madoobe ayaa intaa ku daray inay qorshahan muddo fog ka baaraan-dagayeen, isla markaana maalmaha soo aaddan la qaadi doonaan talaabooyinka Al-shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka ee ay hadda ku sugan yihiin.

 

“Waxaanu dhawaan qaadaynaa howl-galladii Wabiga Jubba, ciidamadeennu waa diyaarsan yihiin, qorshahanna muddo fog ayaa lasoo dajinayay.” ayuu Axmed Madoobe ku yidhi hadal uu warbaahinta siiyay.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo inay ka helaan taageero Ciidamada AMISOM, laakiinse wuxuu tilmaamay in isku tashan doonaan ciidan ahaan.

 

Dhawaan ayaa Waxa gaadhay Magaalada Kismaayo Ciidammo ka socda Itoobiya; kuwaas oo qayb ka ah howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM]) balse ma sheegin madaxweynaha Jubbaland in ciidamadaas ay Hawgalladaan qayb ka noqon doonaan iyo in kale.

 

 

Ciidamada dalka Kenya oo horey ugu sugnaa Kismaayo ayaa iyagana la sheegay inay qayb ka yihiin hawl-galka, inkastoo Toddobaad ka hor ay isaga soo baxeen Saldhigyo ciidan oo ay ku lahaayeen Deegaanka Buulo-gaduud iyo Degmada Badhaadhe oo Gobolka Jubbada Hoose ka tirsan.

Comments are closed