Maamul Goboleedka Galmudug oo guul ka sheegatay Dagaalkii Shalay dhexmaray Ciidamada Dawlada iyo Al-Shabaab DHAGAYSO
Caddaado 25,March,2016(SDN/QJ):- Madaxwayne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dagaal Shalay dhexmaray ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-Shabaab.
Madaxwaynaha ayaa sheegay inay jiraan dad ay ku qabteen dagaalkii Shalay kuwaas oo tiradooda uu ku sheegay inay gaayso 14 qof halka dhimashaduna ay tahay 20.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale hanbalyo u diray ciidamada maamulka gobolka oo dagaalkaasi la galay Al-Shabaab waxaana uu sheegay inay muhiimtahay in laga hortago waxkasta oo dhibaato u keenaya shacabka Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay inay wanaagsantahay xaalada deegaanadii shalay uu ka dhacay dagaalka waxaana uu xusay inay wali baacsanayaan dagaalyahanadii ayna dhawaan soo afjarayaan sida uu sheegay madaxwayne ku xigeenka.