“Maalmo gudahood ayuu ku billaaban doono howlgal milatari” Madaxweyne Xasan Sheekh
Washington 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab uu dhawaan billaaban doono si looga saaro kooxda goobaha ay wali gacanta ku heysa.
Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoogga saari doonaan sidii loo xoreyn lahaa deegaannada ka maqan dowladda.
Madaxweynaha ayaa xusay in howlgalka Badweynta India uu billaaban doono maalmaha soo socda, isagoo intaas ku daray in dhammaan waxyaabihii howgalka looga baahnaa ay diyaar yihiin.
Wuxuu gaashaanka u daruuray in weerarradii dhawaan ka dhacay Muqdisho ay muujinayeen in Al-Shabaab ay xoogeysaneyso, isagoo tilmaamay in ay lamid ahaayeen weerarradii ay maleeshiyadu ka geysatay dalalka deriska ah sida kii Westgate ee sannadkii hore.
”Tani waa calaamad daciifnimo, goobaha ay Al-Shabaab heystaan hoos ayey u sii dhacayaan, waxayna beddelayaan xeeladooda’’, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay ammaankiisa kaddib isku dayo ay kooxdu ku weerartay dhowr jeer.
”Al-Shabaab waxay isku dayeen in ay aniga meesha iga saaraan iyo hoggaanka dalkaba, laakiin kuma aysan guuleysan taas, kumana guuleysan doonaan mustaqbalka’’, ayuu mar kale ku yiri wareysiga lala yeeshay.
Mr. Xasan oo Washington kaga qeybgalayo shirka madaxda Mareykanka iyo Afrika ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Mareykanka uu xoogeysanayo
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com