Maalmihii Qadhaadhaa Ee Xabsiga Guantanamo Bay – Xusuus Qorka Maxbuus Laba Sano Ku Xidhnaa (Q:1aad)
Hargaysa 07.October 2016 (SDN/QJ):- Turjumaha: Xuseen Cabdi Qaadir waa muwaadin u dhashay waddanka Pakistan waxa uu inala wadaagayaa xusuus qorka qiso layaab badan oo uu ku soo qaatay Xabsiga loo aqoonsaday kii ugu xumaa taariikhda bani aadamka ee loo samaysto dadka kaasi oo ah Xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla gacanka Jasiiradda Cuba oo ah goob uu Maraykanku maamulo. Xuseen waxa uu xusuus qorkiisan innoogu bal ballaadhinayaa qaabkii baraad li’ida ahaa ee loo qabtay isaga oo noloshiisii caadiga ahayd isaga wata kuna noola wakhtigaasi la qabanayay Magaaladiisa Peshawar kadib daqiiqado gudahoodna uu u noqday Maxbuus Maraykanka ugu xidhan dhul aannu waligii arag oo Kumannaan Kiiloo Mitir u jira deegaankiisa.
Hibaynta Buugga
Aniga oo ah Qoraha Buuggan waxaan hadyad uga dhigayaa ruuxda shahiidkii waynaa ee Cabdalla Casaam, waa macalinkii Fikirka jihaadiga ah ee casrigan. Waxa kale oo aan hadyad uga dhigayaa ruuxda inankaygii Cabdallah ee geeriyooday aniga oo xabsiga Guantanamo ku maqan oo ku xidhan.
Xuseen Cabdul Qaadir
HORDHAC
Mahad oo dhammi waxa ay u sugnaatay Ilaahay Subxaanahu Watacaalaaye isaga ayaa xumaan oo dhan ka nasahane waxaana sharaf mudan nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Nabigeennuu Suubbanaa Muxammed Binu Cabdalla SCW. Intaa kadib, Haddii ay maanta dunida iyo hay’adaha ka hawl gala ku tiirsan yihiin macluumaadka iyo daraasaadka ku qotoma cilmi-baadhisaha iyo ururinta macluumaadja dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha wakhtigan kuna saleeyaan xukunkooda iyo hab maamulkooda iyo waliba istaraatiijiyadaha damacooda ku salaysan, Ilaahay SWT oo ah abuuraha bani aadamku waaka wax walba og, kana war haya wax kasta oo naftooda waswaas ku ridaya. Waa Allaha og wax kasta oo naftoodu doonayso ama ay qalbiyada ku hayaan. Ilaahay uma baahna in uu xog ururin iyo daraasaad wax kaga ogaado arrimahooda, waana ka adduunka xukuma ee aanay cidina xukunka uga dambaynayn. Jihada Bari waa Bari uun, Galbeedna waa Galbeed mana kulmayaan waligood oo isuma imanayaan illaa ilaahay doono. Dhammaan waxa Kitaabkan kooban ee xusuus qorka ah ku qorani waxa laga yaabaa in aanay in badani jeclaysan laakiin waa macluumaad aan ku ururiyey wax aan goob joog u ahaa oo aan soo taabtay oo aan u taagnaa. Maahmaah carbeed baa ahayd (Ra’yi ma aha ninka dhacdo u taagnaa ee dhagaysanayay).
Turjumaha:
Xuus Qorkan Buuggan Maalmihii qadhaadhaa ee Xabsiga Guantanamo Bay waxa uu si faahfaahsan bannaanka u keenayaa nolosha adag ee uu Xuseen Cabdul Qaadir ku soo qaatay Xabsigaasi iyo qaabkii loo qabtay oo uu si faahfaahsan oo aad u habaysan innoola wadaagayo isaga oo xusuus qorkiisa qaab maalinleh ah dhacdooyinkii soo maray u diiwaan geliyey.
Cadadkeena Sabtida ayaynu toos u gudo gali doonaa xusuuska qorka Xuseen Cabdul Qani ee noloshii adkayd ee uu ku soo qaatay xabsiga caanka ah ee Guantanamo Bay kaasoo hoy u noqday boqollaal muslimiin ah kadib weerarradii Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001 ee Maraykanku kaga aar gutay weeraraddii uu ku qaadayay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan. Xabsigaasi oo mahadhooyin taariikheed reebay walina illaa maanta ay tiro maxaabiis ahi ku jirto inkasta oo xukuumadda Madaxweyne Obama ku celcelisay in ay gabi ahaanba inta aannu sannadkani dhammaan albaabada u xidhi doonto. Akhriste nala wadaag qisadaasi oo taxane innoogu bilaabmi doonta Sabtida Insha Allah.
…..La Soco