Maalintii Suldaan Maxamed Uu Madaxweyne Cigaal Hubkii U Horeeyay Ku Wareejiyay Oo La Xusay
Hargeysa — Xuska Maalinta hub ka dhigista ee Ciidankii ugu horeeyey ee Somaliland hubkooda soo dhiibeen oo ahaa ciidankii Sancaani oo ahayd 1/2/1994, oo Shalay ku beegnayd ayaa si balaadhan loo xusay.
Munaasibadii xusitaanka oo si weyn loo soo agaasimay laguna qabtay Amasadoor Hotel ayaa waxa soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxda Xisbiyada, Siyaasiyiin, Salaadiin,Mujaahidiin, Haween, Dhalinyaro iyo Martisharaf aad u tiro badan.
Madasha ayaa waxa lagu daawaday filim dhukumentari ah oo laga diyaariyay maalintaas ay guutooyinkii Sancaani ee SNM hubka wareejiyeen iyo sidii ay xafladu u dhacday. Filimkaas ayaa ahaa mid ay dadkii madasha fadhiyay u wada sacab tumeen oo taariikhi ahaa.
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isagu Munaasibadaas ugu horeyn ka hadlay ayaa ka xog waramay qiimaha ay maalintani leedahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray uu halgankii SNM, waxaanu sidoo kale ka warbixiyey Ururadii ka hanaqaaday dalka ila a wakhtigii Ingiriiska, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Xaflada la qaban lahaa waa Bari (Maanta), waa la qaban lahaa oo Xukuumaddu wey qabanaysaa,laakiin waxa ayaan daro oo aan in badan u soo joogay xilligii la qabtay barnaamijkaasi waxa uu ahaa 2/2/1994-kii, maalintii hubkaas lagu wareejiyey Madaxweynaheenii ALLE ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ee uu ku wareejiyey Suldaan Maxamed Suldaan Faarax labadooba ALLE u naxariiste, Sannad kasta xaflada waa la qabtaa, laakiin waxa ayaan daro ah lama xuso, sheeko kale ayaa laga sheekeeya, barnaamijyo kale ayaa laga sheekeeya, qorshayaal kale ayaa laga sheekeeya, lama xuso labadaas muddan in la xuso,ee Sawirkoodu halkaas inooga muuqdo, midna lama xuso, waxa yar ee qofka bilaa’adanka lagu xusaa waa in loo duceeyo, waxa aan jeclaa in aanu idin xasuusino in nolosha Somaliland iyo Nabada Somaliland iyo dhismaha Somaliland inay bilaabeen labada nin ee halkaas ku sawirani, waxa aan jeclaa in aan xuso inay maalintaasi ahayd maalin inaga inagu weyn, laakiin aan loo arkayn inay weyntahay”.
Xuseen Axmed Caydiid oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaalada oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey qaabkii iyo qorshihii uu ku yimid hub ka dhigista iyo qaramaynta Ciidankii ugu horeeyey ee Somaliland ee Ciidankii Sancaani waxaanu yidhi “Maalinta aynu ka waramayno ee 2/2/1994-kii, Saddex sanno iyo maalmo ayaa laga joogay markii dalka la xoreeyey,maalintaasi waxa ay timid iyada oo Saddex Sanno iyo maalmo uu dalku xor yahay, oo laba Xukuumadooda is badaleen oo mid muddo xileedkeedii oo laba sanno ahaa dhamaystay, tii kale uu markaas sannad dhaw dhawi marayo ayey maalintaasi timid”.
Xuseen Axmed Cayiid ayaa sheegay in laba jeer oo ka horeeyey hub ka dhigista Ciidankii ugu horeeyey Somaliland in la isku dayey in Ciidanka hubka laga dhigo, balse lagu guul daraystay, ugu dambayntiina 1994-kii lagu guulaystay, waxaanu ku amaanay hub ka dhigista ALLE u naxariiste Suldan Maxamed Suldaan Faarax oo uu sheegay inuu horseed ka ahaa hub ka dhigista.
General Xasan Cali Abokar oo munaasibadan ka hadlay ayaa isna yidhi “Ciidankaas hub dhigista ahaa waxa uu aasaas u noqday oo uu dhisay Ciidanka Qaranka ee aynu maanta hayno, markaa sidaas bay gutooyinkii kalena u soo xareeyeen aad baanu wakhtigaas u adkaa dhibaatadiisana u lahaa”.
Mujaahid Ibraahim Xuseen Cabdilaahi (Dhaga-weyne), oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Maalintani maalin qiimo badan ayey ahayd, laakiin waxa ka sii qiimo badan laba boqol oo Ciidanka Sanaacini galay, oo dalkan u taagay dhibada ayaa yaalay”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna Munaasibadaas ka hadlay isaga oo wakhtigaas ahaa Wasiirkii Arrimaha Guddaha ee Somaliland ayaa ka xog warmay qiimaha ay maalintani leedahay, halganka ay soo galeen beesha Hawd iyo doorkii ay ka qaateen halgankii dib u xoraynta Somaliland waxaanu yidhi “Labadan oday ee Madaxda inoo ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ILLAAHAY dambigooda ha dhaafe waxa kulmay oo maalintani ku dhacday Madaxweyne aragti fog leh oo habka dawladinimo yaqaana oo mustaqbal dheer ka fikirayaa, oo ay ka go’antay inuu dawlad dhiso, aragtii uu keenay iyo Suldaan waayo arag ah oo talo qabeen ah oo isaga oo da’yar inta uu aabihii dhintay la sugi waayey in Gaadhi uu soo raaco, Qardho diyaarad lagu soo qaaday 42-kii,sida loogu baahan yahay, labadaas baa kulmay, waxa iyana kulantay maqbuulka ILLAAHAY oo Taladda marna waa laga aqbalaa, marna lagama aqbalee iyo maqbuulkii oo la kulmay,waxa kulmay Dhalinyaro wakhtigaas dalka naftooda u soo hurtay, wax kasta ka horumarinaya danta qaranka iyo mustaqbalka caruurtooda, oo uu ugu yaraa Maxamed Cumar Shoonbe oo aan garanaayo maalintaas caynka uu eeka, maantana quraanka ii akhrinaaya oo wadaad ii ah”.
Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga hadlay qiimaha ay Maalintani leedahay, waxaanu ku baaqay in la weynayo, oo xuska maalintan iyo xuska ciidanka qaranka isku maalin laga dhigo, oo walibana laga wada dhigo isla markaana la xuso maalinta ay ku beegan tahay maalinta hub ka dhigista Somaliland, waxaanu sidoo kale sheegay in Ciidanka qaranku Somaliland la aasaasay wakhti aad u fog, oo ahayd wakhtigii uu Ingiriisku dalka haystay, ee aan la aasaasin maanta oo kale, waxa kale oo uu amaan balaadhan u soo jeediyey Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo uu ku tilmaamay inuu ahaa Suldaan aad u qiimo badan oo indheer garad ah, halka uu sidoo kale amaan balaadhan uu u soo jeediyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo uu ku tilmaamay inuu ahaa Madaxweyne aad u wanaagsan, waxaanu labadaba ILLAAHAY uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo.
Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM isla markaana hadda ah Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey aqoonta uu u lahaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waxaanu sheegay inuu ahaa Suldaan aad u qiimo badan, waxa kale oo uu ka waramay halgankii SNM, Xarumihii kala duwanaa ee SNM iyo qiimaha ay leedahay maanta oo kale, waxaanu soo jeediyey in aad loo weynayo,
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), sidoo kalena ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, oo munaasibadaas ka hadlay ayaa isna ka hadlay xuska maalintan iyo qiimaha ay leedahay waxaanu yidhi “Wax walba nabadgaliyada ayaa ka horeeysa, waxa ii muuqda haddii aan nabada la helina in aan dawladnimadu inoo dhisnateen,waxaynu halkan ku xusaynaa Suldaan Maxamed iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo gutooyinkii maalintaas bilada qaatay,ee guusha qaatay ee bilaabmatay dhismaha ciidanka qaranka, kalmad qudha ayaan kaga baxaya oo waxa aan leeyahay Wadanka Madaxweynaheenu waa mujaahid, waa SNM-tii, Guddoomiyaha Kulmiyena waa mujaahid,waxa ii muuqda baahida uu Madaxweynuhu arkaayey ee dhamaan maalinta la arkaayey ee ahayd nabadgalyada inaynu maanta uga baahi badanahay nabadgalyada.
Dhanka kale Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha ay leedahay xuska maalintani, halgankii SNM iyo faa’iidadu dhalay, waxaanu si gaar ah ugu duceeyey Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Madaxweyne Cigaal, iyo Mujaahidiintii dalka u soo halgamay ee geeriyooday.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Faarax oo isagu goob joog ahaa maalintii hubka la wareejinayey, ayaa si qoto dheer uga waramay qaabkii loo wareejiyey hubka, shirararkii kala duwanaa ee ka dhacay Somaliland ee dib u heshiista iyo qaramaynta Somaliland ahaa, waxaanu sheegay inay maalintani maalin qiimo badan tahay, waxa kale oo uu tilmamay inay beesha Caalamka aad ula yaabtay sida Somaliland dawlad looga dhisay, waxaanu xusay inay taasi ku timid dadaalkii iyo kartidii ay iska kaashadeen shacabka iyo dawladdu.
Dhanka waxa munaasibadaas lagu soo bandhigay Fidiyoow wakhtigii hub wareejintan la duubay oo waramaya qaabkii loo wareejiyey.