|

,“Maalintii Puntland la dhisay, Hawiye waa baqanayey, Isaaq Waa Baqanayey, Maantase Hoodh la iska saari maayo,

Garowe:Aug,27,2015(SDN/QJ)-la-taliyihii hore ee madaxweyne siilaanyo  ee dhinaca Doorashooyinka Md Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay xaaladda maamulka uu isu dhiibay ee Puntland, waxana uu si weyn uga dayriyey Heerka uu maanta maamulkaasi marayo.

xaabsadeMudane Xaabsade oo ka Hadlayey shir lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay inay daciiftay awooddii maamulka Puntland, isla-markaana ay gaadhay meeshii ugu hoosaysay,“Maalintii Puntland la dhisay, Hawiye waa baqanayey, Isaaq Waa Baqanayey, Maantase Hoodh la iska saari maayo, wixii sharci ahaa ee la sameeyey iyo wixii la isku darsaday midna ma  yaalaan, waana laga tegay, ciidamona ma jiraan oo Gobolladii baa wada qaatay, saakana ciidan qaran oo aynu ku tashanaa  garowe wax tari karaa ma jiraan.” Ayuu yidhi Mudane Xaabsade.

Xaabsade oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xataa ciddii dhismaha  maamulka Puntland ka qayb qaadatay haatan gaadhee heer aanay wada Hadlin, waxana uu yidhi,“Isimadii puntland maalintaas dhisay maanta ma wada hadlaan, mana wada sheeaystaan, taasina waxa ay keentay kala fogaansho, waxana sabab u ah maamuladii dhismay,”

Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa hadalkan kasoo yeedhay noqonayaa kii ugu adkaa ee uu maamulka uu dhawaan isu dhiibay ka sheego, waxana uu hoggaankiisa ku guubaabiyey inay tabashada taagan wax ka qabtaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed