“Maalinta Gole lasoo doortay yimaadaan Golaha wakiilladu Albaabkaasay ka baxayaan, Hadii Doorasho la qaban waayana waa fadhiyayaa,” Baashe Maxamed Faarax
Hargeysa:Feb,22,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa Markii ugu horraysay Jawaab ka Bixiyey Hadal dhawaan kasoo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo sheegayey in marka ay dhamaato muddo-xileedka Goluhu la kala diro.
Guddoomiye Baashe Oo Maanta u warramay qaarkamid ah Warbaahinta Dalka, ayaa sheegay inaanay jirin sharci ogolaanaya in Golaha Wakiillada la kala diro, waxana uu si weyn uga horyimi odhaahdii uu hore Guddoomiye Cirro u sheegay.
Guddoomiye Baashe waxa uu akhriyey Qoddobo Distoori ah oo nuxurkoodu yahay sida Golaha Wakiillada Lagu kala diri karo, waxana uu tilmaamay inaanay haatan qoddobadaasi meelna kasoo geli Karin shaqada Golaha Wakiillada,
“Golaha Wakiillada Kala Diridoodu waxay leedahay Shuruuc, Qoddobka 56 ee distoorku waxa uu sheegayaa Sababaha lagu kala diri karo Golaha, qodobkaas Farqradiisa Toddobaad waxay leedahay waxay ma bannaana kala diridda Golaha Wakiiladu, sanadka ugu horreeya iyo Sanadka ugu dambeeya ee Xilka Madaxweynaha, Markaa waxa lagu jiraa Sanadkii ugu horreeyey ee Madaxweynaha, Qofkastoo sidaas yidhina ma jirto cid kala diri kartaa.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye Baashe oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si cad u sheegay in Golaha Wakiillada ee uu kamidka yahay ay beddeli karaan oo kaliya Gole lasoo doortay, waxana uu meesha ka saaray inay Meesha ka tagaan kahor inta aan la helin ciddii beddeli lahayd, waxana uu yidhi,
“Distoorka waxa ku qoran Golaha Wakiillada waxa Beddeli kara Gole lasoo doortay, Maalinta Gole lasoo doortay yimaadaana Golaha wakiilladu Albaabkaasay ka baxayaan, Hadii Doorasho la qaban waayo Golahani waa fadhiyayaa, Waxana uu ku fadhiyayaa Distoorka Dalka.”
Baashe Maxamed Faarax waxa uu carrabka ku dhuftay Duruufaha Doorashada dib udhigi kara oo uu kusoo daray Haddii Komishanku Doorasho qaban waayaan, isagoo meesha ka saaray Qoddobada kale ee ay kamidka yihiin Aafooyinka Dabiiciga, Abaaraha iyo Colaadaha,
“Duruufuhu ma aha Dhul-gariir iyo waxaase waxa weeye Komishanku inuu doorashadii qabto, marka uu komishanku iclaamiyo markaa weeye wakhtiga doorashada la gelayaa Hadii uu qaban waayana shuruucda dalkaa la marayaa, Ninkii isagu xoog ku kala diraya Golaha iyo xukuumaddana ee ciidan wata ee inqilaab samaynayaa isagay jirtaa, laakiin Haddii dirstoorka lagu dhaqmayaa ma jiro. Xukuumadduna waxay fadhiyeysaa ilaa inta doorasho qabsoomayso.”
Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Baashe Duray Hadal hore ugasoo yeedhay Guddoomiye Cirro oo sheegayey in Dawlad wadaag ah la dhiso, haddii Doorasho la qaban waayo, waxana uu yidhi,
“Dawlad Wadaag ah meel ay ku taalla iyo Sharci ay ku taalla ma jirto, Xisbiyada Mucaaridkana waxan odhan lahaa inay distoorka ku dhaqmaa, isagaana sheegaya dawladda marka xilkeedu dhamaado cidda u kordhinaysa”
Su’aal la weydiiyey Guddoomiye Baashe oo salka ku Haysay Cidda iska leh Masuuliyadda Doorashada dibudhaceeda, ayuu kaga jawaabay inay shuruucda La dejiyey leedahay, waxana uu si gaar ah u carrabaabay Qoddobka sheegaya in Diiwaangelin lagu galo, kaas oo uu tilmaamay midka Doorashada Dib u dhigay, waxana uu yidhi,“Masuuliyadda Waxa iska leh Shuruucdeena inagaana nidhi Diiwaangelin la’aan wax lagu samayn karaa ma jirto, Hadii aan diiwaangelini jirina saacaddii la doonaa la qaban lahaa, Haddii xisbiyada Mucaaridku Yidhaahdaan aynu iska dayno diiwaangelintii June-ba waa la geli karaan.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com