|

Maalgeliyihii Ururro Argagixiso OO Al-shabaab Ka Mid Tahay Oo Xilkii Laga Qaaday

Riyadh:20-April-2014 (SDN/QJ)-Sida ay baahiyeen Warbaahinta Reer Galbeedku, waxa muddo laga Joogo toban cisho shaqadii uu hayey laga Ruqseeyey masuulkii ugu sarreeyey sirdoonka dalka Sucuudiga Bandar Bin Sultan.

freeBandar Bin Sultan waxaa lagu tilmaami jiray inuu ahaa Ninka Aas’aasay Ururka Al-Qaacida Qeybta Yaman, Al Shabaabta Soomaaliya iyo Argagixiso farabadan sida “Free Syrian Army” oo lo Asaasay in ay af gambiso Xukuumada Madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad.

Bin Sultaan ayaa ahaa Madaxa ka dambeeya Kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyaa in Lacagta ugu badan ee soo gaadha Al-Shabaab ay ka timaado Sirdoonka Boqortooyadda Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.

Ninkan Bandar Bin Sultan Mareeykanku wax a uu go’aansaday in Xilka laga qaado Bishii Oktobar 2013 waqtigaas oo ku aadana Markuu si badheedh ah u dhaliilay Madaxweynaha Marakeynka Barack Obama, isagoo ku edeyey in Obama ka Madax adeygay in Cirka laga duqeyo Ciidamada Assad ee ku sugan Magaalo Madaxda Dimishqi.

Xogtu waxay sheegeysaa in aanay sahlaneyn si loo Kontrolo Kooxda “Free Syrian Army” oo ay Sucuudiga iyo Mareykeynku ay si wadajir ah u maalgaliyaan oo hadda u muuqda in aysan Cidna amar ka qaadan, waxaa la saadaalinayaa in ay dib ugu soo laabtaan goobihii laga aasaasay ayagoo ku hubaysan Hub Casri ah oo waliba haysto dhaqaale aan yareyn.

Sacuudiga iyo Qatar ayaa lagu eedeeyaa in ay Maalgaliyaan Argagixisadda Adduunka, wuxuuna Sacuudigu Lacag gaadheysa Labaatan Bilyan oo Dollar ku bixiyay Cinqilaabkii lagu afgambiyay Madaxweynihii Dalka Masar Maxamed Mursi oo shacabkiisu si dimuqraadi ah u soo doorteen.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed