|

Ma waxa uu isku shaandheynta u Sameeyay Noolaynta Xisbigiisa? Cumar Maxamed Faarax

Waxa dhawaan Guddoomiye Cirro isku shaandheyn baahsan ku sameeyay dhammaan guddi hoosaadyada aqalka wakiiladda, taasi oo dareen ka dhashay maadaama oo ay ahayd markii u horreysay ee golaha todoba jirka ah lagu sameeyo isku shaandheyn noocaas oo kale ah.

Waxa markiiba soo baxayay inuu tibaaxo sheegayay in Guddoomiyaha Aqalka Wakiiladdu uu ku tuntuunsanayo sidii xildhibaano ka soo jeeda xisbigiisa ay u heli lahaayeen badi Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyadda.

Guddiyada aqalka wakiiladda sida xeerka golahaasi dhigayo waxa ku sameeya isku shaandheynta shirgudoonka Golaha, ka dibna Guddi waliba waxay iska sii dhex xulaan labada xubnood ee u noqonaya Guddoomiye iyo Xoghaye, taasina waxay ku xidhan tahay xildhibaan kastaaba sida uu kalsooni uga helo xubnaha Guddiga ay ku wada jiraan, mana istaahisho wax loo siyaasadeeyo oo olale baaxad leh loo geliyo.

Waxa nasiib darro ahayd in xalay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga lagu sheegay in Guddoomiye Cirro awood saaray sidii xubno ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda xisbigiisa loogu dooran lahaa Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada, taasi waxay daaha ka fayday ajandihii qarsoonaa ee ku lammaanaa isku shaandheyntii Guddiyada oo gudoomiyuhu ku kaliyaystay isla markaana aanay waxba kala socon labadiisa Guddoomiye ku xigeen oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada xisbul xaakimka KULMIYE.

“Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la sheegay inuu awoodiisii iskugu geeyay sidii xildhibaan Ibraahim jaamac Cali Rayte oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay xisbiga Kulmiye ee ku soo biiray Waddani loogu dooran lahaa gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha wakiilada oo hogaankiisa loolan loogu jiro,”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xarunta xisbiga WADDANI.

Waxa dadka odorosa siyaasaddu ay sheegayaan qaabka isku shaandheynta loogu sameeyay Guddi hoosaadyadda Golaha Wakiiladda iyo sida loo siyaasadeeyay hanaanka guddiyadu iskaga sii dhex dooranayaan horjoogeyaashooda, ay furre u noqon karto loolan iyo hirdan siyaasadeed oo ka dhex bilaabma aqalkaasi kaasi oo loolanka ugu adagi dhex mari doono KULMIYE iyo WADDANI.

Faaqideyaasha siyaasaddu waxay ku doodayaan in marka la eego dhaqdhaqaaqyadda socda ee golaha Wakiiladda ay suurto gal tahay in tartanka u weyni uu ka dhasho shirgudoonka oo ay u badan tahay in laga tuuro xilka Guddoomiye Cirro oo xiligan hoggaamintiisa ay ku ururtay inuu Golaha ka nooleeyo xisbigiisa WADDANI. Loolankan oo sida la filayo soo ifbixi doona marka xildhibaanadu ay ka soo noqdaan fasaxa ay xiligan ku jiraan.

Qorshahan uu Guddoomiyuhu sida xisbigiisu sheegeen uu juhdiga geliyay in WADDANI uu bursado Gudoomiyeyaasha Guddi-hoosaadyadda ayaa calaamad u ah gal-galashada maalmihii u dambeeyay ee Hoggaanka Guddoomiye Cirro ee Golaha dhexdiisa, waxaana si daahir ah loo wada arkaa talaabooyinkiisa fashilan ee u ciidan samayn karta inay ka sahayato xilka Guddoomiyenimada Wakiiladda.

 

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hoitmail.com

 

Comments are closed